Facebook Oo Laga Dalbaday Inuu Mamnuuco Aflagaadooyinka Ka Dhanka Ah Diinta Islaamka
October 27, 2020 - Written by admin
Ra’iisal Wasaaraha Pakistaan
Cimraan Khaan ayaa warqad u qoray milkiilaha shirkadda Faceboobka Mark
Zuckerberg oo uu kaga codsanayo in shirkaddiisa laga mamnuuco qoraallada ama
hadallada ku saabsan islaam naceybka.
Warqadda uu Mr Khaan u diray
milkiikaha Facebooka wuxuu ku sheegay “Inay soo kordhayaan wararka la
xiriira islaam naceybka” tallaabadaasina ay horseedi karto “Naceyb,
xagjirnimo iyo qalalaase” dhammaan in ficiladaas laisku marsinaayo baraha
bulshada.
Shirkadda Facebook waxay horey u
dhaqan gelisay tallaaboloyin ay boggeeda uga saareyso qorallaada ama hadallada naceybka
abuuri karo ee ku saleysan in weerar toos ah oo dhanka afka ah lagu qaado
midibka qofka, qabiilka ama diinta iyo hadallada ka dhanka ah dhaqamada qaar.
Khaan wuxuu ugu baaqay shirkadda
Facebook inay meesha ka saarto hadallada ka dhan ah diinta islaamka.
“Waxaan ka codsanaynaa
Facebook in uu boggiisa uu ka mamnuuco hadallada ama qoraallada ku saabsan
islaam naceybka”
“Farriinta abuuri karto
naceybka waa in gebi ahaan la mamnuucaa- farriimaha naceybka dhalin karo
ayaanan loo ogoleyn dadka qaar halka isla arrintan dad kale loo ogolyahay”
Axaddii Ra’iisul Wasaaraha
Pakistaan wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska in uu wado weerarka afka
ah oo ka dhan islaamka.
Hadalka Macron ayaa imaanayaa
kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad baroor diiq loogu sameynayay
macalinkii u dhashay dalkaas oo la dilay kaddib markii ardey uu tusay sawir
gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed N.N.K.H.H.
Macron wuxuu sheegay in macalinka
loo dilay “in islaamiyiinta ay doonayaan inay la wareegaan
mustaqbalkeena” isla markaana “Faransiiska uusan weligiis is dhiibi
doonin”
Mr Khan oo haataan cadaadis
xooggan kala kulmaya xisbiyada ka tirsan isbaheysiga mucaaradka ayaa looga
bartay in uu jeediyo hadallada diinta lagu taageerayo si uu u xoojiyo danahiisa
siyaasadeed.
Alaabaha Faransiiska ayaa laga
saaray dukaamo ku yaal Kuawait, Urdun iyo Qatar, halka dibedbaxyo kooban oo
Faransiiska ka dhan ah ay ka dhaceen Liibiya, Gaza iyo waqooyiga Suuriya.
Wasaaradda arrimaha dibadda
Faransiiska ayaa ku tilmaantay tallaabadaas mid aan “Sal iyo raad toona
aanan laheyn” oo ay tahay si deg deg ah loo joojiyo.
Ma ahan markii ugu horreysay ay
Pakistaan ka codsato Facebook inay baaritaan ku sameyso waxyaabaha lasoo
gelinayo halkaas ee ka dhanka ah islaamka.
Sanadkii 2017-kii, Ra’iisul
Wasaarihii hore ee Pakistaan Nawaz Shariif ayaa ugu baaqay shirkadda Facebook
inay baaritaan ku sameyso qoraallo ama hadallo lagu aflagaadeynayo diinta
islaamka, lamana ogo waxa uu ugala jeeday hadalkaas.
Balse dadka dhaleeceeya sharciga ka dhanka ah aflagaadeynta diinta ayaa sheegayaa in mararka qaar sharcigan lagu beegsado dadka laga tiro badan yahay, sharcigaas oo dhigaya xukun dil ah.