𝐖𝐀𝐋𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀𝐘 𝐃𝐇𝐀𝐁𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐇𝐈𝐈𝐆𝐀𝐘𝐆𝐈𝐘𝐎𝐎𝐖!

Heestani waxa ay ku saabsan tahay saddex fannaan oo qiimo weyn lahaa, fanka Soomaalidana kaalin mug iyo miisaan leh oo muuqata ku dhex lahaa. Waa, Faysal Cumar Mushteeg (AHUN), Cabdalle Maxamed Sagsaag (AHUN) iyo Maxamed Mooge Liibaan (AHUN).

Waa beri beryaha kamid ah oo ay u baxeen Faysal iyo Cabdalle Carabaha, gaar ahaan, dalka Imaaraatka oo ay u xoogsi tageen. Muddo badan oo ay halkaas ku maqnaayeen ayuu dhararsanayaa Jaalkoodii Maxamed Mooge oo isagu dalka sii joogay. Kaddib ayaa uu hammiyayaa inuu saaxiibbadii farriin u diro, taas oo uu ku muujinayo maqnaanshahoodii uu dhararsaday, dhanka kalena waano iyo dardaaran lexo-jeclo iyo walaalnimo wata baa uu farayaa. Sida heestaba aynu ka arki karno wuxu ku adkaynayaa inaanay dhulkii hooyo illaabin, inaanay dhalashadoodii ka tagin, inay wax madhxistaan oo kayd samaystaan — maadaama oo ay Qurbe joogaan — inaanay dhaqankoodii iska-beddelin iyo inaanay ugu danbayn dedaalka iyo tacabka dayn ee dhexda ay u xidhaan sidii ay wax u taransan lahaayeen.

Ereyada Maxamed Mooge ayaa iska leh, waxaana ay u dhigan yihiin sidan ee dhugasho wanaagsan:

“Walaalkay dhabiyo dhiigaygiyoow

Dhoofkiinnu wuu igu dhararanyee

Wax idin dhiba Ilaah haydin dhaafiyee,

 

“Dhulkii hooyo waakii

Dhaqashaduna waa meel

Dhulkii hooyo waakii

Dhalashadiina waa meel

Waan idin dhaariyee

Ha is dhalingeddiyina.”

 

War aan dhaabay iyo ducaan kuu dhigee

Adna dhaayihiyo dhegaha u furoo

Yay ku dhaafin waanadu way iga dhantee:

 

“Dhaqashada ha luminina

Dhigta oo ha waayina

Waan idin dhaariyee

ha is dhalingeddiyina.”

 

Ninkii dhiig leh baa illayn dhiidhiyee

Ha is dhiganinoo shay ku dhiirradoo

Yaan lagu dhalliiline dhugta waanadoo

Dhawra xoolihiinna xooggana ku dhaata

Waan idin dhaariyee hays dhalingeddiyina.”

Markii ay Faysal iyo Cabdalle heestii iyo farriinteediiba ay gaadhay, wuxu Faysal sheegay inuu Cabdalle ku yidhi: “Waar Cabdalle maxaa aynu yeelnaa, waad aragtaa oo Maxamed oo inaga yar, jaalkeenna ah baa ina soo waaniyey e’, ma u jawaabnaa?” Kaddib baa uu Cabdalle odhanayaa, “Waar maya ee waa ceeb nin ina soo waaniyey in aynu u jawaabnaaye, aynu nidhaahno uun Alle ha inagu anfaco.”

Faysal oo maad miidhan ahaa baa beri danbe odhanaya, “Markii aan halkaas joogay, haddii aan u jawaabi lahayn Maxamed Mooge waxaan ku odhan lahayn: ‘Qurbe inuu dhib badan yahay..  Adigu dhaadi mayside.. Raggu waa dhididayaa.. Lacagtuu dhiganayaa.. Adna Maxamed soo dhoof.” Kkkkkkkkkk

Dhammaantood Ilaahay godka haw nuuro oo jannooyinkiisa ha durduuriyo.

Qore. Cabdicasiis-Daacad Ibraahin Ciise

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com