Go’aan ka soo baxay kal-fadhigii
23-aad ee ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu
markii ay ahayd 18 October 2018, ayaa lagu shaaciyey in 17 October loo asteeyo
inay noqoto maalinta Geesiyaasiyaasha Qaranka Somaliland, iyadoo ay noqonayso
maalin ay wada leeyihiin dhammaanba halgamayaashii kala dambeeyey ee u soo
dagaalamay xorimadda dalka Somaliland, laga soo bilaabo halgankii Daraawiishta,
halgankii SNM ilaa naftood-hurayaasha ilaa maanta heeganka u ah difaaca qaranka
Somaliland.
Haddaba, waxa aan baraha bulshada
ku arkayaa dad weli u haysta in 17 October ay tahay maalinta Shuhadada SNM oo
soo dhigaya fariimo ay ku hambalyeynayaan SNM oo qudha, markaa waa in dadka
reer Somaliland ay la socdaan isbeddelka maalmaha taariikhiga ah ee qaranka,
Khamiista berri ee ay taariikhdu tahay 17 October 2019 waxa la xusayaa maalinta
geesiyaasha qaranka Somaliland.
Go’aanka ka soo baxay muddo hadda laga joogo sannad Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu yidhi; “Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo tixgalinaya mabaadiida aas-aasiga ah ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Sooyaallada halgamadii taariikhiga ahaa ee dalka soo maray, sida Halgankii Gobonnimo-doonka Daraawiishta, kacdoonkii Culimada, aqoonyahanka, Suugaanleyda, halgankii gobonnimo-doonka ahaa ee Axsaabta Siyaasadda, halgankii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood hurayaasha ilaa maanta naftooda saymaha u galiya difaaca jiidaha hore ee dalka, waxay go’aamiyeen in maalinta Xuska Shuhadada SNM ee 17-ka Oktoobar magaceeda loo beddelo xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Somaliland ee 17-ka Oktoobar.”