Jidka Loo Soo Maray Falsafadda Runta Ah.

Buuggan waxa 1977kii soo saartay madbacaddii qaranka JDS ee Muqdisho. Waxa la ga soo turjumay labo buug oo afka ruushka ku qornaa. Kuwaas oo iyaguna soo baxay, 1966. Labada buug wax ay ahaayeen; Bilowga duruusta falsafadda iyo aasaaska aqoonta falsafadda. Shaqadaas wanaagsan ee labadaas buug la gu soomaaliyeeyay, wakhtigaas aadka u fog, waxa suubiyay, allah ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Dhunkaal.
In buug sidan u qiimo badan la soo saaro, wakhti yar ka dib markii farta soomaaligaba la qoray, runtii waa waxqabad xus mudan. Waxa se mucjiso ah in qoraaga waxqabadka intaas leeg sameeyay, aan xog badan la ga haynin! Cabdillaahi Raage, oo buuggan dib usoo nooleeyay, ayaa raadin dheer kadib xog aan dhammaystirnayn ka helay qoraagaas. Waa tusaale nool sida qofka soomaaliga ahi u maquuran karo, isaga oo mar jiray!
Buuggan waxa uu akhristuhu ka dheefayaa, socdaalkii dheeraa ee ay falsafaddu soo martay. Ka hor Giriiggii ilaa laga soo gaadhayo ruushka. Waa madkhal ama waa ilin uu qofka laantaas cilmiga ah baadigoobayaa ka geli karo, ma se aha laantii oo dhammaystiran. Erey bixinno badan oo anfacaya qofka aan hore wax uga akhrisan cilmiga falsafadda ayaa la ga helayaa. Sida Falsafad, Mateeriyaaliisam, Aydhiyaaliisam, Objectif iyo Sabjagtif, Daylegtig. Ereyo uun ma aha ee magacyadii faylasuufyadii iyo taariikhdoodii oo Cabdillaahi si kooban oo qurux badan usoo dhigay, hoosdhigga buugga ka buuxa.
Waxa iyana uu buuggu si kooban uga hadlayaa, Matiiriyaaliyadda iyo Daaylegtiigga iyo Giriiggii hore wixii ay soo kala yeelleen iyo halka ay falsafaddaas soo gaadhsiiyeen. Sidoo kale dagaalkii dariiqooyinka falsafadda ee dhulgoosiga iyo burjuwaasiyiinta ayuu ka hadlayaa. Cid kaste wixii ay qabtay, iyo doorkii ay lahayd baa la soo bandhigayaa. Holbach baa yidhi: “kuwa inna wayddiiya; ‘xaggee bay maaddadu ka timi?’, waxa lagu odhanayaa, weligeed way jirtay. ‘Socodka xaggee maaddadu ka heshay?’ Wax aad tidhaahdaan, socodku waa jiristeedii iyo dhuuxeedii, marna weligeed ma joogsan! Holbach wax uu sidaas ku yidhi, buuggiisa LE SYSTEM DE LA NATURE, oo lagu hor gubay baarlamankii Faransiiska.
Kacaankii ay maarkisnimadu falsafadda ku samaysay, ayuu qoraagu si kooban uga hadlayaa. Halkaas oo fikirka iyo taageerada qoraaguba ku biyoshubanayaan. Falsafadda Maarkiisam- Liiniinisamka oo ah ta uu turjumuhu u janjeedho, iyo waxa ay deristo ama se baadho, ayaa buugga la gu soo afmeerayaa.
Buugga waxa hubiyay (taxqiiq), sharrax kooban na saaray, oo runtii si hagarla’aan ah isaga xilsaaray, ustaad Cabdilaahi Raage oo loo garan og yahay @Sayyid Ka Waxaana markan danbe soo saartay, madbacadda Hiil Press. Qabyo badan oo buuggii hore ku jirtay ayuu Cabdilaahi buuxiyay. Qabyadaas oo qaarkood ilduuf ahaa. Qaarkood si qaldan buuga ugu jiray iyo qaar aan markii hore la fahmayn, balse imaka uu fududeeyay.
Bogga 41aad ee buugga hore waxa labo jeer kusoo noqday; ereyga Bilmeter. Ereygaas Sayid macne wuu u waayay. Anigu se markaan akhrinayay, qoraal qaldamay (typing error) baan u fahmay oo ah “bilmetel”. Oo u dhiganta Tusaale ahaan. Waayo, waxa taas caddaynaya labada jeer ee uu soo noqdayba, tilmaan baa la bixinayaa. Intaas baan ku biirinayaa saaxiibkay, waa haddii ay sax noqoto!
X: Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac
#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Email: Hayannewssoma@gmail.com