Kumaa Lagu Aamini karaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ex Wasiir. FARATOON iyo Ex Waiir Cabdirisaaq KHALIIF?

(Taladaan la Ruugin, waa lagu Rafaadaa).

Ninka masayrka umada loo dhiibayo waxa haboon in kartidiisa aqoontiisa iyo wax qabadkii lagu bartay mudadii uu xilka Qaranka hayay waa in lagu qiimeeyo muxuu qabtay?

Maaha in lagu doorto waxa ka Soo Baxay Xisbi mucaarid ama in lagu diido waxa ka Soo Baxay Xisbiga muxaafid ah.

Intaa ka dib, waxan rabaa in aan idiin Soo bandhigo mid walba inta ka aqaan iyo mudadii UU wasiirka ahaa waxa lagu xusuusan Karo,

Hadaan KU horeeyo Ex/ wasiir Crasaq khaliif, waxa UU ahaa nin Ganacsade ah oo maamuli jiray Xawaaladii Amal xafiiskeeda suuqa waaheen u dhaw,

Intaa ka dib, Xukumadii Siiraanyo waxa ay u magacawday wasiirka Hawlaha guud iyo Guryaynta, Crasaaq xilkii kowaad ee Qaranka ka qabto waxa uu wasiirka xukumadii Siiraanyo mudadii uu wasaarada hayay waxa la iibiyay Guryihii Qaranka oo sifo Sharciga ka baxsan lagu iibiyay, maadaama inta Guryahaa la shaaciyay  loo tartamin, waa sharci daro qarsoodiga lagu iibiyay Guryaha,

Khaliif oo wasaarada ka masuul ahaa guryahaa sharci darada lagu iibiyay wasiirka Sharciga qofka iibsaday u samayn jiray ayuu ahaa,

Crisaaq mudadii uu wasiirka ahaa ma ahayn nin saxaafada ka muuqda oo gar iyo gardaraba Qaranka difaaca UU xilka ka hayo,

Sido kale, maaha nin siyaasada KU firfircoon oo Gobalka uu ka Soo jeedo xilka uu haya KU matalaya ama ku difaaci kara, laakiin waa shaqaale wanaagsan oo cidii xilka u dhiibtay Siday rabto kula shaqayn kara,

Arintani waxa u daliila maalintii xukumadii Siiraanyo Xirsi iska casilay, Crasaaq waxa ka mid noqday wasiiradii iska casilay xukumada ee Xirsi raacay, maadaama marka horeba uu ka mid ahaa wasiiradii Xirsi Xukumada ku Soo daray,

Crisaaq iyo Xirsi waxay wadaagaan Dano u gaara  oo ganacsi iyo qaar qarsoon oo muuqan laakiin la dareemi Karo,

Inta ka dib, Crasaaq iyo Xirsi waxay wada tegeen Xisbiga Wadani oo maanta Crasaaq Xildhiban Golaha Wakiilada ah Doorasho Ku Soo baxay,

Hadaba Crasaaq maadaama yahay Ganacsade iyo shaqaale wanaagsan ma lagu Aamini karaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada sland.!!?

Intaa ka sakaw, Hadaan Soo qaadano Ex/ wasiir Faratoon waa Kuma ?

Faratoon waxa xilal ka Soo qabtay Xukumadii aabihii Sland yagleelay Marxuun maxamed xaaji IBRAAHiN cigaal waa nin aaminsan sland,

Sido kale, Xukumada Muuse Biixi Cabdi mudadii uu ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada waxa qaaday talaabooyin waawayn oo siyaasadeed  oo xidhiidh wanaagsan kula Soo sameeyay wadamo Afrikan ah oo wasiiro u Soo diray sland,

Arintaasi oo keentay in xukumadii Farmaajo xidhiidhka u jarto wadamada Sland Wafdiga u Soo diray ee xidhiidhka siyaasadeed la samaysday.

Sido kale, waxa xidhiidh adag la Soo sameeyay wadanka Taylaan oo safaarada ka furatay sland,

Faratoon waa siyaasi rugcadaa ah oo xidhiidhka wadamada marka uu la samaynayo cidi ogaan Karin laakiin marka wafdiyo culus ka yimaad wadamada ayaa lagu baraarugaa,

Waa siyaasi waayo arag ah oo Hal adag oo aaminsan Qadiyada madax banaanida sland in meel walba loo tago oo laga Soo dhaadhiciyo ama iibiyo caalamka.

Isku Soo wada duuboo, Crasaaq iyo Faratoon Kuma ayaynu KU Aamini karnaa Golaha Wakiilada Sland ee Gudoomiye ka noqan Kara adigoo Xisbi mucaarid ah iyo Xisbi muxaafida u kala eegayn iyo nin jaclaysi iyo Caadifad in aad aayaha dadka iyo Dalka u eegto kumaa u Dooran lahayd Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Sland,!!?

Muwaadin codkagu waa mihiim adigoo cidna aflagaado u gaysan.

Alaah Mahad leh.

Mawliid Axmed jibriil