Jilaa caan ah oo Dalka Marooko ku Guursaday Gabadh Soomaaliyeed

Idiris iyo Sabrina Dhawre ayaa arooskoodu dhacay maalin ka hor. Arooska ayaa ka dhacay Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Morocco.

Idiris Elba
Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhawre waxay soo xiratay dhar cad oo qoorta ka goโ€™an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.

Guurka dhex mara Soomaalida iyo ajaanibta
Buug cusub oo laga qoray madaxtinimadii Nelson Mandela
Xafladdooda arooska oo soconeysa seddex maalmood waxaa ka soo qayb galay saaxibbada iyo ehelada caruuska iyo caruusadda, xafladda arooska habeenka ka horreyeyna waxaa dhacday casha sharaf lagu qabtay Amanjena oo qayb ka ahayd xafladda arooskooda.

Maalinti shalayna wuxuu arooskooda ka dhacay Mandarin Oriental oo looga diyaariyey xaflad aaroos oo aad loo soo agaasimay.

Huteelka arooska uu ka dhacay
Iyada oo meherkooda uu dhacay sanadki 2018-kii, 26-ka April ee sanadkaasina ku iclaamiyey huteelka Ksar Char Bagh ee ku yaalla Marrakesh iney isguursanayaan.

Haddaan dib u milicsanno waayaha Saabiriin iyo Idiris
Saabriin Dhawre waa 29 jir asalkeedu Soomaali yahay, laakinse ku dhalatay, kuna barbaartay waqooyiga Ameerika. Idris Elba-na waa 46 jir u dhashay dalka Britain.

Saabriin Dhawre
Waxay muddo wada noolaayeen, una alkuman tahay jilaaga caanka ag ee Britain u dhashay Idiris Elba.

Saabriin Dhawre iyo Idiris Elba
Mihnadda Saabriin waa jilaa iyo xayeysiinta dharka. Waxayna 2014-kii ay ku guulaysatay tartanka quruxda gobolka Vancouver ee dalka Canada.