Abaarso TECH: Wiilasha iyo Gabdhaha Seexda Dhismeyaasha Isku Furan (1)Hiilka Abdilmalik Musa Coldoon

Aqoon aan akhlaaq lahayni waa geed aan ubax lahayn. Ma dhasho faaiido. Waxa adag adiga oo Islaam ah, joogana dhul islaam inaad ubadkaaga u geyso gaal aanad fahmi karin manhajkiisa, rabitaankiisa iyo nooca ilmaha ah ee uu beerayo ama abqaalayo. Xadiis laga weriyay Nebiga NNKH ayaa “Ubadkiinna ku fara salaadda toddoba jir, uleeya haddii ay tukan waayayHiilka markay toban jir yihiin, markaasna (10 jir) u kala sooca jiifka”.

Haddii uu udgoonuhu inna farayo in wiilasha iyo hablaha; weliba walaalaha ah, la kala seexiyo meelo kala gaar ah marka ay 10 jir yihiin, bal ka warrama wiilal iyo gabdho geyaan ah oo loogu talo-galay inay hurdaan qolal isu dhaw oo aan lahayn deyr ama soohdin iyo dhisme kala celiya. Ma askari ayaa kala dhex taagnaanaya? Maxaa diiday in sida Dugsiga Sheekh ee SOS la kala sooco dhismeyaasha hurdada iyo wiilasha iyo hablaha? Ma Injineerkii dhisay ABAARSO TECH ayaa illaaway mise waan lagu amrin?

Waa ceeb in iskuul noocaas ahi uu ku yaallo Somaliland oo ah dal 100% ummaddiisu muslin tahay, calankiisa uu tawxiidku ku xardhan yahay, isla markaana aanay jirin sabab ay ugu habrato habdhaqanka noocan ahi.

Gabadh ka soo qaybgashay dhegaysigii maxkamadda Rafcaanka ee 18kii Sebtember 2019ka ayaa tidhi “Waxa dhigan jiray wiil iyo gabadh aan habaryar u ahay. Inantii ayaan helay, waxaanan ku idhi soo raadi walaalkaa. Sidii ay qolalka wiilasha midba kol uga eegaysay ayay soo heshay, galabnimo ayaanan booqday. Markii aan arkay sida ay ragga iyo dumarku isu dhex qaadayaan ayaan labadii arday ka saaray dugsiga”.

Abwaan gabay kaga hadlaya is-dhexgalkaas ragga iyo dumarka ee Abaarso TECH ayaa yidhi:

Wax aqoonta khayrka-leh kabaa, waa asluub wacane

Inkastood waxdhigashada korkiyo, guudka sare aaddo

Cilmi aan akhlaaq wadannin baan, aayatiin dhalinne

Inkastoo aqoonyahan la dhaho, uunka niman jooga

Istijada dadkii aan la barin, way arradan yiine

Anfac ma leh islaamkii ka tegay, tii udgoonuhuye

Afkaygiyo nimaan garan karayn, aamminkiyo diinta

Oo aan adeecayn xaquu, Eebbe nagu leeyay

Inankayga muu taba-bareen, gaal inkaaraniye

Iskuulkaa warkaa iiga yimi, waa af-kala-qaade

Xogahaas ABAARSIYO TEK baan, kuu akhriyayaaye

“Inankiyo habluhu jiifka yay, aayar loollamiye

Arta iyo markay toban jiraan, ayni gabankiinnu”

Odhaahdii Rasuulkaan bulshoy, eegga deyayaaye

U asteeya buu yidhi hurdada, “aagag” gooniya’e

SOOS kuma ogsoonayn waxaan, eed u tiriyaaye

Derbi iyo albeerkada haddii, deyrar laga oogo

Aqalladu hadday kala fogyiin, wuu ansaxayaaye

Iskuulkaana wiilkiyo hablii, aag la wada geeye

Allaylkiyo dharaartii ma jiro, ood ka celisaaye

Edeb iyo haddii ay rabaan, eegga sharaf buuxda

Injineerradii taagay buu, amarka siinlaaye

Sidee loo ilaashaa jawaab, uunno maan helinne

Waxa Qoray: Indheer Garad Hussein Faysal

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland