“Adhigu Waa Wadar-U-Nool Dadku na Bulsho-u-nool Qalinkii Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”

Wadar iyo bulsho waa laba erey oo isu macne dhow, waase kala laba.  Wadari waa tiro isku wax ah, ama waa tirooyin kala waxa ah oo la isu geeyey.  Bulsho tiro ba ha ahaato, asal ahaanse waa hal wax. Tiro adhi ahi neef bay ka bilaantaa; bulsho se hal qof kama bilaabanto ee koox bulsheed bay ka curantaa.  Waxaad odhan kartaa ‘neef adhi ah’ mase odhan kartid ‘qof bulsho ah’.

Bulsho waa xidhiidh ku dhisan jid iyo habraac loo wada dhaqamo. Waa qiyam iyo xeerar fal-dhaqanka dadka hannaaniya oo haga; waa iskaashi, waa na isu noolaasho iyo isku noolaansho.  Haddii aad aragto xayn adhi ah oo geed hadhsanaysa oo aad isla markii aragto koox dad ah oo geed kale ku hoos shiraya, sow labadu ma kala duwana?  Adhiga waxaa kulmisay goobta oo keli ah.  Dadkuse isma ag joogaan oo keli ah ee way wada hadlayaan; caqligooda iyo dareenkooda ayaa wada xidhiidhaya oo isla falgalaya. kulankoodana waxa ka dhalanaysa natiiyo la timaadda wax cusub. Waxaa ka dhalanaysa talo, go’aan iyo fal lagu hirgeliyo.

Kulanka adhigu asaga oo meel iska daaqaya ayaa waraabe soo weeraraa, markaas ayuu afarta geesood u kala didaa.  Mid buu bahalku qabtaa oo la hadhaa oo uu kaga hadhaa.  Ka dibna firxadkii  adhiga ayaa isu soo noqda, wuu is wada ag yimaaddaa oo wuu iska daaqaa.  Alle ba uma abuurin oo isma weydiin karo Maxaynu ka yeellaa bahalkan ina cunaya?

Wada xidhiidhka bulsheed iyo isla falgalka maanka dadka iyo ku dhaqanka, xeerarka iyo qiyamta bulsheed ayey ka yimaaddaan dhacdooyinka taariikhda gala ee leh dagaal iyo nabad, isbedddel bulsheed, dhaqaale, dhaqan iyo guuda ahaan horumarka socotada ilbaxnnimada aadamigu.

Bulshaynimada lafdeedu waa kala heer. Waxay ku xidhan tahay baahida isku xidhaanta nolosha dadku inta ay la eg tahay; ilaa xadka iyo baaxda bulshada aan nolosheedu kala maaramin.  Ka soo qaad jibsin reer hebel sheegata oo meel hebla xoolo ku raacata.  Waxay u nooshahay qoysas mid waliba ku nool yahay cad iyo caano, wixii uu ka helo xayntiisa yar ee adhiga ah iyo halahiisa geela ah.  Waxaa la mid ah qoysaska dhulka ka beerta wax yar oo naf-kuhayn ah iyo ka dabatada ah ee la soo hoyda wax uu habeenkaas ku seexdo.  Ciddii ay intaas isugu yimaaddaan ee ku wada xidhiidhaan bay isku bulsho yihiin.  Waa inta ay qoysnimada wadaagaan.  Socotada habeen ka soo dul dhacdaa waa marti xurmo goorteed ah ka mudan, aroortiina lagu kala teg.   Bulshada qoys ka weyni waa ta reer tolkii . Sow ma aha? Baahidiisa reer tolkii ku xidhani waa shisheeyaha ay iska wada difaacaan iyo magta ay isla bixiyaan. Taas uun baa, xeer qabiilo, waajib joogta ah ka ah; intii kale ba waa nin iyo sida uu ka yeelo.  Kulankoodu- heerkan- ma joogtaysna waqti cayiman na ma laha; waa bili tagtay iyo bili baxday, waxa ay kaga wada hadlaanna, intaas kama baxsana, ma na dhaafsiisna maalinlhooda.  Tirsiisinkooda bulsheed ama dheh is-sheegashadooda bulsho-siyaasadeed kama unkamo degaanka dhulka ay wadaagaaan iyo baahida wada-noolaanshaha, dadnimo guudna iyada daayoo, bal waxay ku unkan tahay abtirsiin adoo khuraafi ah oo la wada sheegto. Bushannimadoodu waa heer aad u hooseeya oo aan adduunka maanta meel ku lahayn laga na aqoosanaynin. Ciddii ku sii dhegganaata waxay taariikhda kaga xukuman yihiin suulitaan. Way tirmaysaa. #Hayaannews

Tusaale waa bulshadan casriga ah ee nolosheedu cufan tahay.  Waxa aad timaaddaa magaalada weyn ee maanta.  Dad aad u badan oo isir iyo qolo kasta ba leh baa ku kulama,  Waa suuq qof waliba rabo in uu qofka wax ka iibiyo.  Qof kasta noloshiisu waxay ku xidhan tahay inta kale.  Dhammaan wax baa la iibiniyaa; mid shay iibinaya, mid aqoontiisa iibninaya oo tusaale ahaan, dhakhtar ah ama qareen ah ama macallin ama injineer ah iyo ku xooggiisa iibinaya oo xammaal iyo kuuli ah; cid waliba wax bay iibinaysaa.  Xaata dawladdu suuqaas bay wax ku iibinaysaa; cashuur bay qaadataa oo waxa lagaga iibsadaa amni, difaac, iyo adeegyo bulsheed.

Dal iyo dawladnimo waa bulshnimo heerkaas gaadhay.  Dadka noloshooda bulshdeed heerkaas gaadhay waxay u baahan yihiin hay’ado u dejiya sharci lagu wada noolaado iyo kuwo u garqaada oo sharciga soora iyo kuwo maamula oo sharciga fuliya.  Bulshada ilaa xadkaas ay noloshu u isugu xidhan tahay waa in ay wada tashataa; ha yeeshee giddigeed geed isugu ma iman karto, hadda na waa in ay wad tashi lahaato.  Waxay ku suurto geli kartaa in ay lahaato urursanaan hoose, oo kooxo bulsheed ah.  Waxa  ay yeelan kartaa ururro ganacsato oo kala duwan, kuwo xirfadeed, kuwo gaaddiley, kuwo shaqaale oo badan; ururro dhallinyaro iyo arday, kuwo haween, kuwo xoolo-dhaqato, beeraly iyo kuwo kalluumaysato iwm. Kooxahaas bulsheed waxa ay sal adag u noqon karaan salka uu ka soo baxo hoggaan siyaasadeed oo ayaga ka yimid.  Qabqablaha qabiil sidaas ayaa lagaga maarmi kari lahaa.

Bulshada sidaas ah, qof kasta oo ka mid ahi, inta kale oo dhan buu u baahan yahay oo noloahiisu ku xidhan tahay. Baahiyaheeda guud waa mid, xalkoodu na waa mid. Sidaas darteed talo mid ah bay mar kasta u baahan tahay.  Mar hadii ay sidaas noqotay hoggaan mid ah oo isku si u daneeya oo isku si ugu adeega bay u baahan tahay.

Bal hadda bulshadaas taladeeda meel ka geliya caaqil iyo suldaan iyo nin u duuban eexo qabyaaladeed.  Qof doonaya in uu suuqaas ku iibiyo xooggiisa ama aqoontiisa  iyo xirfaddiisa ama shay maaddi ah oo faa’iido leh,  dawlad iyo sharci  uu asagu leeyahay oo asaga tiisa u hoggaansan buu baahan yahay oo waa run. Miyuu se u maraa  oo weydiiyaa qabqable qabiil?. Anigu jawaabta waan hubaa, ee hadda idinku na baahida qofkaas suuqa wax ku iibinaya, meel ka soo geliya caaqil iyo suldaan iyo siyaasi ku lifaaqan. innaba ma u baahan yahay kuwaas?

Aan duudduub u idhaahdo oo kaga hadho: suuqaas la isuga yimid qabiil lagu ma kala aha, waayo ka aad magac qabiilo wadaagtaan iyo kan kale, isku si bay noloshiinnu isugu xidhan tahay oo aad isugu baahan tihiin.

Ha igu odhan: wax aan la helaynin baad doon-doonaysaa. Anigu na waxa aan ku odhan way jirtaa bulshada aan ka warramay ee riyo ma aha. Way jirtaa ee waanay isgranaynin; isahaansheeda bulsheed baanay wacyi u lahayn. Caqligeedii baa xero qabyaaladeed ku kala oodan.

Rashiid Sheekh Cabdillaahi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com