Af-gudhiye iyo Doorashadii 2017: Maansada Hadii Aad I Doorataan!

Aqoonyahan Mohamed Haaruun Biixi


Dhawaan (March 11, 2019), waxa aan halkan idinkula wadagay qormo si kooban uga hadlaysa Abwaan Af-gudhiye, (Dhaxalkii Af-gudhiye – 1963 – 2018), iyo hal gabay oo ka mid ah badwayntii suugaantiisa. Qofkii aan qormadaas hore la kulmini qoraaladayda taariikhdaas leh ee hore ayuu dib ugu laaban karaa. Al-muhim, dhawaan waxa aan is baranay Cabdilaahi Barrow, oo Abwaan Af-gudhiye gacantiisa midig aha muddo dheer. Sida uu Cabdilaahi ii sheegay, Abwaanka waxa Boorama ugu tegay qolyihii kala raacsanaa labadii dhinac ee ku loolamaayay doorashadii 2017 ee Soomaalilaan, iyaka oo si gooni-gooni ah u waydiistay in uu curiyo suugan uu ku taageero olalahooda. Sida la ii sheegay, maansada uu curiyay na ka muuqata, isagu ma la dhacsanayn sida ay wax u socdeen, waxa uuna hal-abuuray maanso si dhab ah tilmaan uga bixinaysa siyaasiga Soomaaliyeed fikirkiisa, hankiisa, dabeecadiisa iyo dadnimadiisa intaba. Maansada ‘Hadii aad I doorataan’ waxa ay tilmaamaysaa qaabka uu siyaasigu u hadlo marka uu shacbiga aqoonta gaaban la hadlaayo, iyo hadii ay tiisa noqon waydo waxa uu sameeyo, amaba samayn karo.

• Dadkii aan ka beermayoow,
• Waxaan ahay dirac ilbaxa,
• Hadii aad i doorataan,
1. Buuraha dahab baan ka dhigi.
2. Baddana durdur iyo xareed,
Ninkii dooni uu darsado.
3. Daruuraha shir baan la geli,
Duufaanniyo roob wax dila,
Ha soo dayn baan ku odhan.
4. Cadceedda war baan u diri,
Kulaylkaan dami ku odhan. 
5. Dayaxa joogtaan ka dhigi.
6. Dadkuna laba door bishii,
Lacagta degdeg bay u heli.
7. Jacaylka dar baan u xidhi.
8. Hinaasaha waan deldeli.
9. Reeraha dumayaan yarayn.
10. Duqsiga waan wada sumayn.
11. Kaneecona daa warkeed.
12. Dawadu waxay noqon bilaash.
13. Qaadkana duhurkii horteed,
Daleeddaas baad ka guran.
14. Dameerkaan xaqqiisa siin.
15. Dariiqyo marmaraan samayn.
16. Duruuc luulaa la xidhan.
17. Dugaagga miciyahaan ka guri.
18. xooluhu duhur iyo habeen,
Ammaan bay ku daaqayan.
********
Hadaad diidaan warkeyga,
1. Dawlado jaan baan u tegi.
2. Ku odhan waa duul muslinnah.
3. Quraanku distoor u yahay.
4. Khamrada diidoon dhadhamin.
5. Beentana dibnahooda marin.
6. Maasaa laydin soo duqayn.

Maxaa kaaga baxay? Siyaasiga Soomaaliga ah badankiisu waxa uu leeyahay dabeecad ah (1), kursiga hel wax kasta oo ay kuugu kacdo ba, xataa hadii aad been qayaxan sheegayso, xataa hadii ay bulshadu isku dilayso oo dhiig qulqulaayo. Iyo (2), hadii ay taada noqon waydo, dawlado jaan oo ajnabi raadso, ninka aad is haysaan, kursiga laftiisa iyo umadda oo dhan ba isku gub. Waa hubaa in maansadaasi ay sawir dhab ah ka bixisay. Ilaahay ha u naxariisto Abwaan Axmed Siciid Diiriye oo January 2018 kii geeriyooday.

Qoraa Maxamed Haaruun


Maxamed Haaruun Biixi

Abwaan Afgudhiye

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Mustafejanaale1@gmail.com