Afar Codsi Oo Ay Dirsanayaan kuwa Naarta Galaa

(Mid ilaahay ayey u dirayaan, Labana Malaa’igta midka Afraadna Ehelu Jannaha ayay u dirayaan)

1-Waxa odhanayaan “Ilaahow naarta naga saar haddii aanu xumaanta dib ugu noqonana annaga ayaa gardaran”
Ilaahayna waxa uu ugu jawaabaya” Naarta ku dhex hooga mar dambena ha ila hadlina”
رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْهَا فَإِنْ عُدْنَا فَإِنَّا ظَالِمُونَ (107) قَالَ اخْسَئُوا فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ))
2- Malaga naarta furaheeda haya ayey ku odhanayaan” Waar Maalikow Rabbigaagu nafta ha naga qaado”
Markaas ayuu Maalik ugu jawaabayaa” Waar halkaas ayaad ku nagaanaysaan ood ku waaraysaan”
وَنَادَوْا يَا مَالِكُ لِيَقْضِ عَلَيْنَا رَبُّكَ ۖ قَالَ إِنَّكُم مَّاكِثُونَ 
3- Haddana Malaa’igta Jahanama ayey ku odhanayaan” Waar rabbigiina noo barya si uu maalin uu naara nooga khafiifiyo” 
Markaas ayey Malaa’igtu ku odhanaysaa ” Oo miyaanay rusushu caddaymo idiin keenin markaad joogteen adduunyadii”, Markaasay Ehlu Naarku ku jawaabayaan ” Haa wayn noo keeneen” Markaas ayey Malaa’igtu ku odhanaysaa” Dee haddaba iyaga barya” baryadana lagama aqbalayo.
وَقَالَ الَّذِينَ فِي النَّارِ لِخَزَنَةِ جَهَنَّمَ ادْعُوا رَبَّكُمْ يُخَفِّفْ عَنَّا يَوْمًا مِّنَ الْعَذَابِ))
4-Ehelu Naarka oo surmiyey oo harraaad la haraaryoonaya ayaa Dadka Jannada durduuranaya ee daaqaya ka codsadaan inay waraabiyaan ama ay cunto siiyaan
Ehelu Jannaha ayaa ugu jawaabaya” Ilaahay cuntadan iyo cabitaankan wuu ka xarrimay Gaalada”. Waxa abaal ku qabaan in maalin uu cadaabka laga khafiifiyo si ay uga nastaan!!! (Anigu markaan aayadan Maqlo aad ayaan u jidhidhicoodaa, waa naxdin halkii ugu dambaysay

وَنَادَىٰ أَصْحَابُ النَّارِ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَنْ أَفِيضُوا عَلَيْنَا مِنَ الْمَاءِ أَوْ مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ ۚ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ حَرَّمَهُمَا عَلَى الْكَافِرِين))
Haddaba maxaa kula gudboon? … 
Imika ayaad Fursad haystaa ee dedaal
Ilaahow toddobada cadaabood qiiqooda, qadhmuunkooda iyo qaxarkoodaba naga badbaadi.

Khadar Dhaaciye