Al Nassr oo Tijaabada Caafimaadka u Qorshaysay Cristiano Ronaldo & Shuruud Adag oo ay Aqbaleen

Kooxda reer Saudi Arabia ee Al Nassr ayay warar cusubi sheegayaan inay u diyaarinayso tijaabada caafimaadka weeraryahan Cristiano Ronaldo oo bishii ugu dambaysay koox la’aan ahaa.

Ronaldo ayaa wadajir Man United ay u wada baabiiyeen  heshiiskii uu kula joogay, kaddib waraysi bambo ah oo uu siiyay saxafi Piers Morgan oo uu waxbadan oo kooxdaas la xidhiidha ku eedeeyay.

Sida lagu sheegay wargeyska CBS Sports, Al Nassr ayaa kalsooni weyn ku qabta saxeexa Ronaldo iyo inuu iyaga dooran doono.

Al Nassr ayaa filanaysa in heshiiskaasi qabsoomi doono suuqa January xilli ay heshiiska shaqsiga ah la gaadheen 37 sano jirkaas.

Ronaldo ayaa aqbalay heshiis uu 62 Milyan oo pound ku qaadanayo sanadkii isla markaana marka lagu daro xuquuqda sawirrada iyo qoddobada kale oo dhan guud ahaan 173 Milyan oo pound sanadkii tagaya.

Marka laga yimaado inuu noqonayo xiddiga ugu weyn kubadda cagta Saudi Arabia, CBS Sports ayaa intaas ku daraya in sidoo kale Ronaldo Al Nassr u aqbashay shuruuda ah inuu isagu dooranayo tababaraha kooxda.

Macalinka haatan ee Al Nassr ayaa ah tababaraha French-ka ah ee Rudi Garcia oo hore usoo maamulay kooxaha AS Roma, Lyon iyo Marseille.

Sanadkan 2022 ayaa ahaa mid ku adag Ronaldo oo koobab la’aan ku dhammaystay xilli ciyaareedkii hore halka uu qaybta dambe ee sanadka ka tagay Manchester.

Intaas waxa u raacda Koobkii aduunka ee Qatar ka dhacay oo sidii uu filanayay u noqon waayay isagoo xataa booskiisii xulka waayay.