Aqoonay Kuu Bogi Waayay….! Ambassador Saamiya Muuse

 Waxaa jirtay gabadh subax walba markay Kacdo daaqada ka eegi jirtay gabadha jaarkeeda ah iyada oo dharkii ay meedhay xadhiga ku waranaysa si ay u qalalaan,  subax walba markay ninkeedi guraacda u dhigayso ayay intay daaqada ka eegto gabadha jaarka oo dharkii waraysa ayay farta ku fiiqda dharkii gabadha jaarka, markaaday ninkeedi ku tidhaahda:

Xabiibi bal eeg dharkan uskaga ah ee ay gabadha jaarku ku xadhiga ku wadhanayso …! Tolow saaboon miyaanay ku maydhin dharka…? Tolow Saaboon nooce ah ayay dharka ku maydhaa…? Tolow ma Saaboon qaali ah baa..? Tolow wadankee baa soo saara saaboonta ay wax ku maydho…?

Gabadhii marnaba kumay fakarin in gabadha, marna ay kala mudanyihiin ilaalinta xaqa  jaarnimada, manay ka fakarin hadii ay wax ka qaldan yihiin dharkeeda bal si naxariis iyo nasteex leh wax ogu sheeg….!

Subaxii danbe oo ah maalin fasaxa ayoo xaajikeedi is idhi xaajiyadaadii maanta ka caawi hawsha guriga, markaasu meel kasta gurigii ka nadiifiyay u walibana quraacdii u sameeyay hadana u kiciyay inay quraacato..! Gabadhii ayaa xaajikeedi ku tidhi intay daaqadii gabadha jaarka jaleecday:

Xaaji maanta gabadhii jaarka dharkeedi si fiican ayay u meedhay…! Oo waxaan filayaa saaboon fiican oo qaali ah ayay ku meedhay….!

Xaajigeedi ayaa jawaabay oo yidhi: Xabii Saaka daaqadii aad dharka jaarka ka eegi jirtay ayaan nadiifiyay….!

Hadaba waxaan ka wada gabadho markay subax walba dharka gabadha jaarka ku mashqoolsanayed dhaliisheeda kamay fakarin inay gurigeeda dhaliilaysay oo iyada ay dib ogu  soo noqotay….!

Wixii dhaliil ah ama fikir kala dowanaasha ah maaha inayno si Qaawan mediyada u la soo fadhiisano oo aan isku weerarno…! Ileen mediyadii iyo qarankiiba waa inaga oo waxaano WADA nahay Somaliland, markaa hadii dhaliil aan mediyada i so Marino waxay ka dhigantahay inagii baa is aflagaadeenay oo qarankeeni qaawinay….!

Madaxweynaha qaranka iyo xukuumadiisa iyaga ayaa loo doortay inay dalka hagaan, waxaanan u arkaa in kala danbayntii iyo ixtiraamkii naga dhaxeeyay oo lumayo hadii qof waliba darajadii iyo qiimihi oo ku fadhiyay lagu ixtiraami waayay..!

Madaxweynaha mustaqbalka soo socdaa ee kursiga raba kama fiicnaa madaxweynaha maanta jooga oo waa wada Somaliland, inaan qiimayno oo aan ixtiraam kula shaqayeno madaxweyne kasta weeyaan…!

Samia Muse

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com