Bahda Hayaannews Oo Tacsi U Direysa Adeero Mustafe Yuusuf DHIISAY Oo Hooyadii Marxuumad #Caasha Maxamed Aw Cali Ku Geeriyootay Cusbitaalka Hargeysa.

Hargeysa(Hayaannews): Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) iyo dhamaan hawl-wadeenada ka hawlgalaa waxay tacsi u dirayaan Adeero Mustafe Yuusuf DHIISAY oo Hooyadii Marxuumad #Caaha_Maxamed_Aw_Cali oo caawa oo ay taariikhdu ahayd 07.04.2022 ku geeriyootay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Marxuumad Caasha waxay ahayd qof wanaagsan oo dadka jecel oo ehlu cibaado baddan oo aan la iloobi Karin sidii ay dadka isugu waday. Marxuumada ayaa muddooyinkii u danbeeyey aad u xanuunsanaysay oo bukaan jiif ku ahayd Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Marxuumadda ILAAHAY ha u naxariisto, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadi, iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Aamiin…………………………..Aamiin………………………Aamiin