Hargeysa(Hayaannews) Bahda Shabakada Wararka ee Hayaannews Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, eheladii, Qaraabadii ay ka baxday Marxuumad Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar oo maanta ku geeriyootay Shil gaadhi oo ka dhacay duleedka Magaalada Hargeysa.
Bahda Hayaannews waxay tacsidan si gaar ah ugu dirayaan Wasiirkii hore ee Wasaarada qorsheynta qaranka Ali Hussein Ismail (Cali Shoombe) oo ay marxuumadu xaaskiisa ahayd iyo carruurtoodaba.
Marxuumada oo kaa soo jeeday qoys taariikhdii halganka ku suntanaa waxaa dhalay Alle ha naxariisto’e Muj. Cabdiqaadir Koosaar Oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii SNM marna guddoomiye u ahaa jabhadda.
Waxaan ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
