Bahda Hayaannews Waxay Tacsi U Dirayaan Juweeriya Xasan Xaashi Oo Aabaheed Marxuum Xasan Xaashi Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

“INAA LI LAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN………”

Hargeysa(Hayaannews): Tifaftiraha Shabakada Wararka ee #Hayaannews Mustafe  Abdi Mohamed (#Mustafe_Janaale) iyo dhammaan hawl-wadeenada ka hawlgalaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Juweeriya Xasan Xaashi oo Aabaheed Marxuum Xasan Xaashi xalay oo ay taariikhdu ahayd 21.2.2021 ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa, kadib markii uu muddooyinkii danbe uu ahaa bukaan jiif.

Waxay ahayd geeri xanuun baddan markii aan maqlay, laakin waa wax uu mari doono qofkasta oo Muslim ahi oo ina wada sugeysa.

Marxuum Xasan Xaashi waxa uu ahaa qof wanaagsan oo dadka jecel oo  ehlu cibaado ah, oo af-gaaban ILAAHAY ha u naxariisto oo janatul-fardowsa ha geeyo,

Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asaxaabtii iyo umadda reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ILAAHAY ha ka siiyo.

Aamiin……………………….Aamiin………………………….Aamiin.