Bahda Hayaannews Waxay Tacsi U Dirayaan Qoyskii, Shacabka Reer Somaliland Iyo Ciidanka Badda Ee Uu Ka Baxay #Gaashaanle_Xasan_GUJUF Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

“Marxuum Xasan-GUJUF waxa uu ahaa Geesi iyo Hadal Yaqaan oo qofkii bartaa aanu ka Xiisa goynayn…”
Hargeysa(#Hayaannews): Tifaftiraha Shabakada Wararka ee #Hayaannews Mustafe_Abdi_Mohamed (#Mustafe_Janaale) iyo dhammaan hawl-wadeenada ka hawlgalaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo bahda ciida Badda ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Gaanshaanle Xasan Cumar Xirsi (#Gaashaanle_Xasan_GUJUF) oo saaka oo ay taariikhdu ahayd 26..3.2021 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Marxuumka ayaa waxa uu ahaa mujaahid ka tirsanaa Ururkii SNM ee dalka xorreeyey, isla markaana waxa uu ahaa geesi hadal aqoona oo kaftana baddan oo ehelu cibaado ah.
Alle ha u naxariiste Marxuum Xasan-GUJUF ayaa waxa uu ahaa qof xaruuriya oo qofkii bartaa aanu ka xiisa goynin, oo sheeko baddan. Marxuumka ayaa waxa uu imika ka tirsanaa Ciidamada Badda Somaliland isaga oo ahaa Cornel ka tirsan Ciidamada Badda Somaliland.
Waxaan ILAAHAY Uga baryaynaa Marxuum #Xasan_GUJUF Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asaxaabtii, Ciidamada Badda, iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo.
Marxuumka ILAAHAY ha ka waraabiyo janooyinkiisa, dhamaanteena Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
Aamiin……………………….Aamiin………………………….Aamiin.
Hooyo Saafi Cabdilaahi Jaamac Nadiif
Hooyo Sahra Yuusuf Warsame
Mubaarig Cabdi Maxamed
Maxamed-Aamiin Cabdi Maxamed
Muuna Cabdi Maxamed
Mukhtaar Cabdi Maxamed
Fardowsa Cabdi Maxamed
Nimco Cabdi Maxamed
Aasiya Cabdi Maxamed
Niciima Cabdi Maxamed
Mubaarig Xasan Jaamac
Cabdixakiin Cabdilaahi Jaamac
Khadar Cabdilaahi Maxamed
Cabdiqaadir Cabdilaahi Maxamed
Farax Cabdilaahi Maxamed
Axmed-NAASIR Cabdilaahi Maxamed
Dhamaan dadkani waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asaxaabtii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Mujaahid Xasan Cumar Xirsi (#Xasan_GUJUF) oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 26.3.2021 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Marxuumka ILAAHAY ha geeyo janatul Fardowsa, dhamaanteena Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
Aamiin……………………………………………………………..Aamiin