Bal Muuse Maan Ahaado, Ta Ka Dhacda Qalinkii Maxamd Cabdi Daa’uud

1. Cadawgeena Koowaad wuxuu noqon lahaa Somaia. Tan qiri laà inaynu ahaan jirnay laba Qaran oo kala madax bannaan. Laba Qaran oo aanu jirin Sharci ay ku midoobeen 60 kii sano ee ka dambeeyay labadii Isticmaar. Waar, kuwaasi walaalo ma noqon karno, oo waxay ku suntan yihiin cadawgeena koowaad, intay Ashahaadda ina maqashiinayaan.
2. Shan dal oo keli ah, ayuun baan u diri lahaa ergay (Liaison Office), inta aan ka helayo aqoonsi buuxa. Waa Itoobiya, Imaraadka, Taiwan, Ingiriiska iyo Maraykanka. Shantaba waxaan geyn lahaa rag adag oo aan hubo (Real Diplomats), oo aan eex iyo naas-nuujin midna ku iman. Ee karti, aqoon iyo anshax fiican leh.
3. Jaaliyadaha Somaliland ee Dibadda waxaan ku hawl gelin lahaa Iskaa Wax U Qabso. Waan ka sooci lahaa inay ku millman Jaaliyadaha ku xidhan cadawgeena Somalia.
4. Waxaan kiraysan lahaa garyaqaano caalami ah, oo ka dooda Jimciyadda Quruumaha iyo Maxkamadda Adduunka. Oo muujiya in aanu jirin weligiiba sharci qoran (De Jure) oo midaynaya Somalia iyo Somaliland (Act Of Union). In 30kii sano ee u dambeeyayna xaqiiqo ahaan (De Facto), aanay midaysnayn Somalia iyo Somaliland.
5. Wadahadalada Somaliland iyo Somalia waa “Aan heshiino”. Waa muruqii laba suul. Somaliland baa wax ku waayi doonta. Oo loo arkayaa niman dudday oo maslax ku iman doona. Waan xaaraantimayn lahaa wadahadaladaas.
Wa Billaahi Tawfiiq.
#Mohamed Abdi Daa’uud
#Hayaannews
#