Barbados 🇧🇧 Oo Madax-banaanideedii Ka Qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

Barbados waa dal yar oo gasiirad ah oo aad inooga fog, oo dhulka weyn ee Kariibiyaanka la isku dhaho ka tirsan. Nov. 30, 1966 ayuu gobannimadii kowaad ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska. Waxa halkaa ku soo dhammaaday gumaysi uu Ingiriisku ku hayay oo soo taxnaa ilaa sannadkii 1627. Guyaashaa badan waxa degaankan uu bedkiisu 439 km² yahay ka dhacay denbiyada insaanka ka dhanka ah ee la sheego kuwa tusaalaha loo soo qaadan karo ee manhajyada lagu dhigan karo si loo fahmo waxa laga wado ‘faldenbiyeed’ iyo ‘gumayn.’

Ummad dhan oo madow ah oo Afrika laga guray baa halkaa la isugu geeyay si ay u fasho beeraha sonkorta. Waa bartaa meesha ay ka timi hodannimada uu Ingiriisku ku faani jiray—wixii la odhan jiray ‘kacaankii sonkorta.’ Qofka la addoomiyay ee midiidinka kaga dhigtay mar alla marka uu dab ka baydho ayaa yaanbo iyo majo loo dhiibi jiray si uu u qodo hadhowna u guro qasabka iyo quwaaxa. Beryo dhawaa oo la soo faqay lana baadhay lafaha dad badan oo waayadaa dhintay waxa la ogaaday in gedafilashadoodu ahayd 18 sano! Ruuxa ‘addoonka’ ahi wuxuu ku qasbanaa in uu isagoo caydi ah foorarsado, oo dhulka u maalo ninka cad, hadhowna isagoo da’ yar laqmado!

Waayahaa qallafsan iyo dadnimatirankaa waxa ka dhashay gedooddo is xigxiga oo midiba ka uu ka danbeeyo ka sii laxaad weynaa. Waxana ugu xoogganaa mid taariikhda ku galay “Kacdoonkii Bussa” (waxa loogu magacdaray wiil addoon ah oo Afrikaan ah oo Bussa la odhan jiray, oo kacdoonka horkacayay) oo dadkii la addoonsanayay ay ku gilgisheen sannadkii 1816. Ciidammada dulmiddoonka ah ee Ingiriiska ayaa af iyo addinba kaga jawaabay dhiidhigaa xaqudirirka, aadna isugu taxallujiyay in ay carooggaa aamusiyaan. Hasayeeshee cadaadisku iyaguu ku noqday waran laabta kaga taagan, sannadkii 1833 ayayna Imbaraadooliyaddii Biritaaniya ku qasbanaatay in ay addoonsiga Barbados ka jira mamnuucdo oo soo afjarto sooyaal dhiiggu astaan u yahay oo aan weligii la illaawi doonin.

Sannadkii 1966 markii waddanku ‘xoroobay’ waxa uu ka mid noqday daladda uu Ingiriisku u toshay dalalkii uu gumaysan jiray qaarkood ee ‘Barwaaqasooranka’ la dhaho (malaha waa ‘Belasooran’ e). Wuxuuna, dhanka kale, noqday dal si toos ah u hoos taga siyaadada Boqoradda Ingiriiska. Taasi waxay la micno tahay in dalka ismaamul-hoosaad leeyahay, balse talada sare lagu ixtiraamayo Landhan. Qofka madaxda ka ahina waa Badhasaab!

Haddaba, sannadkii hore ayay tallaabo weyn qaadeen reer Barbados, taas oo jidka u sii xaadhay gobannimadii labaad ee waddankan 91% dadweynihiisu isirka madow yahay. Waxa miiska la soo saaray qorshe 20 sanaba lagu taamayay: in Barbados uu dal madax bannaan noqdo oo gebi ahaanba ka hoos baxo gacanta UK. Caawa, oo ku beegan 55-guuradii calansaarka Barbados, ayaa taa la xaqiijinayaa.

Badhasaabkii ugu danbeeyay ee dalkan, Dame Sandra Mason, ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay! Marwo Mason ayaa muddaxileed afar sano ahi u bilaabmaysaa. Shacabka xorriyadda jecel ee caalamka iyo Barbadosna sababtaas bay u dabbaaldegayaan, iyagoo is wada maqashiinaya: “Dhegdheer dhimatoo, dhulkii nabad!”

©️ Aw Guudcadde