“Colaada Ka Socota Laascaanood ka Qoto Dheer Waxa Kuu Muuqda,”.Eng.Xuseen Aadan Cige Dayr.

Cadawga noocyada badan leh ee ku bahoobay cadaawadda aan qiilka lahayn ee ay u qabaan Jam. Somaliland, waxa si dhab ah uga go’an in ay Somaliland u soo raraan /waaridaan afkaaraha xag-jirka ah ee loo xalaashaday cadaadiska iyo gumaadka shacabka. Afkaarta khaldan ee xag-jirka ah waa kuwa keenay in aan sharciga lagu dhaqmin, Dawlad la’aanta iyo qalalaase aan dhammaad lahayn. Sida ay Somaliland la rabaana waa in ay Somaliland noqoto meel fowdo ah oo aanay ka jirin amni, xasilooni iyo kala dambayn midnaba.

Dhagaraha qorshaysan ee haatan lala rabo Jam. Somaliland iyo shacabkeeda, waa kuwo la mid ah kuwii malaayiin shacab Soomaali ah oo aan waxba galabsanin muddo 32 sano ah lagu soo xukumay, lagu gumaaday isla markaana looga dhaartay xasilooni, horumarka bulshada iyo in nolosha bulshada reer Soomaaliya ay sal dhigto.

WAA AYO KOOXAHA DAGAALKA KU SOO QAADAY JAM. SOMALILAND?

Ciil-qabayaasha ku bahoobay cadaawadda ka dhanka ah Somaliland waxa calanka u sida ama hormuud ka ah qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Waddamada Geeska Afrika (Somalia, Kenya, Itoobiya, iwm) iyo weliba kuwo ku baahsan daafaha dunida. Kooxahan shar-wadayaasha ah ee isku baahaystay cadaawadda Somaliland waxay leeyihiin noocyo badan iyo ujeedooyin kala duwan, laakiin waxa la odhan karaa waxa ugu muhiimsan saddexda kooxood ee soo socda:

(1) Kooxda 1-aad waa kooxo iyagu argagaxiso Caalami ah oo si weyn uga soo horjeeda dawladnimada, horumarka iyo nidaamka dimuqraadiyada JSL. Kooxahani waxay u arkaan in nidaamka Dawladnimo ee ka jira Somaliland uu yahay mid khilaafsan Diinta Islaamka, sidaa darteedna ay bannaan tahay in  lala jihaado Somaliland;

(2) Kooxda 2-aad waa kooxo ay waddo colaad iyo caadifad qabiil oo soo jireen ah. Kooxdani waxay si weyn u aaminsan yihiin in iyagu ay yihiin kuwa wax xukuma, balse aan iyaga cidi xukumi karin. Kooxdani ujeedadoodu waxa weeyi in bulshada Jam. Somaliland ee samaha ku wada nool ay iska hor keenaan, kala irdheeyaan, colaadna la kala dhex dhigo;

(3) Kooxda 3-aad waa kooxo iyagu weli ku sii dheggan midnimadii beri hore dhimatay ee Woqooyi iyo Koonfur. Kooxdani waa kuwo iyagu aaminsan haddii ay Somaliland noqoto dal ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale, in ay taasi halis ku tahay hana-qaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Sidaa darteed, si kasta loola dagaallamo karaba in lala dagaalamo gooni-isu-taaga iyo aqoonsi caalami ah oo ay hesho Somaliland

WAA MAXAY UJEEDADA KA DAMBAYSA WEERARKA LAGU SOO QAADAY SOMALILAND?

Kooxaha shar-wadayaasha ah ee Jam. Somaliland weerarka ku soo qaaday, si kasta oo ay iyaga dhexdoodu u kala duwan yihiin, haddana waxa jirta ujeedooyin badan oo ay dhamaantoodba ka midaysan yihiin taasoo ay ugu horrayso colaadda iyo cadaawadda ay u qabaan Somaliland.

Kooxahan fidmo-wadayaasha ahi waxa kale oo ka midaysan yihiin in ay Laascaanood noqoto xuddunta colaadda iyo goobta laga soo abaabulo xasaradaha iyo dhagaraha qorshaysan ee ka dhanka ah Qarannimada iyo jiritaanka Jam. Somaliland iyo wadajirka iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada JSL.

Haddaba, bulshada Jam. Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel waxa la guboon in ay si fiican u fahmaan in Colaadaha ka socda Laascaanood aanay haba yaratee ahayn reer duullaan ku ah reer kale. Sidoo kale, Dawladda Somaliland maaha Xukuumad iyadu dagaal kula jirta dadkeedii.

Eng.Xuseen Aadan Cige Dayr.

Xaqiiqada iyo runta aan la iska indha tiri karin waxa weeyi in Colaadaha ka socda Laascaanood ay yihiin kuwo salka ku haya Qorshe Dhagareed Qoto Dheer oo lagu burburinayo jiritaanka Qaranka Jam. Somaliland.

GABAGABADII:

Waxa cad in Jam. Somaliland iyo shacabkeeda lagu soo qaaday weerar qorshaysan oo ay ku soo qaadeen kooxo fidmo-wadayaal ah oo ku bahoobay colaadda iyo nacaybka ay u qabaan Somaliland.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, shacabka Somaliland waa shacab xariir ah, jecel nabadda, xasiloonida iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah. Laakiin marka uu cadowgu soo weeraro, ummadda Somaliland waxa lagu yaqaanaa geesinimo iyo naf-hurid aan xad lahayn oo ay ku muquuniyaan cadowgooda.

Kuwa guusha kama dambaysta ah lihi waa Shacabka Somaliland oo iyagu ah kuwa ay ka go’do masiirka ummadnimo iyagoo ku qanacsan si weyna u aaminsan jiritaanka Qaranka Jam. Somaliland.

HA NOOLAATO JAM. SOMALILAND

qore. Xuseen Aadan Cige Hussein Deyr.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com