“Sidee Ayeynu U Badbaadin Karnaa Bisaylka Qofnimo?”
Maxaa sababay Qof wax bartay iyo Qof aan waxba barran in wax
farqi ahi uu u dhexaynwaayo? Bisaylka Qofnimo waa Dayrka ilaaliya dhismaha
Dawladnimo iyo jiritaanka qaranimo. Somaliland waxa soo maray saddex dagaal oo
sokeeye. Dagaalkii faqashta ee 88-kii, waayo soomaali ayuu u dhexeeyey,
dagaalkii sokeeye ee Somaliland ka dhacay 1994-kii iyo sidoo kale dagaalka sokeeye ee maanta ka
socda baraha bulshadu ay ka wada xidhiidho sida Facbook-ga; waana dagaalka ugu
xun marka loo eego dagaaladii sokeeye ee hore inoo soo maray; waana halka ay
sartu ka xuntahay iyo boogta aynu isdul taagi doono. Hadii aynu saddexdaas
dagaal ka itaagno xagal quman, waxa inoo soo baxaya wax ay ka siman yihiin iyo
wax aanay ka sineyn. Waxa ay wadaagaan horta labada dagaal ee hore waxa aynu ku
wayney geesiyaal faro badan iyo hanti faro badan lakiin dagaalkan warbaahineed
ee sokeeye, waxa aynu ku waayi doona wadan dhan oo leh geesiyaashiisa, aqoonyahankiisa,
culimadiisa, hantidiisa iyo huwiyadiisaba, waxa aynu waayi doonaa dadkii
indheer garadka inoo ahaa ee bisaylka lagu tuhmayey; waxana tashuush badani ku furmidoonaa jihada loo socdo.
Dhibaatada maanta jirta ee ina dhexqaaday waa mid iclaamku sabab
u yahay, waayo xoriyadii fikirka ayaa xadhkaha goosatay, waxa dhacay mulaaqan
faro badan iyo fasaqan faro badan, waxa soo daahirtay fidno sokeeye, waxa isku
mulaaqmaya oo is fasaqaya caqligii soo jeeday iyo caligii hurday, dadkii
indhaha inoo ahaa iyo dadkii raciyadda ahaa ayaa isku si u wada fikiraya oo
isku si u wada hadlaya, dagaaladii hore waxa ay ahaayeen ku dhiig badani ku
daadatay oo laga soo kabtay, laakiin dagaalka sokeeye ee warbaahineed ee maantu
waa mid sahayanaya oo eber ka dhigaya maskaxo badan oo lagu kalsoonaa, waa mid
baa’binaya mabaadi’da wadanka, waa mid burburinaya qawaaniinta wadanka, waa mid
horseedaya fawdo iyo fitan; waana mid dhulka la simaya milgaha iyo bisaylka
qofnimo.
Maxaa sababay in Qof wax bartay iyo Qof aan waxba barran wax
farqi ahi uu u dhexayn waayo marka loo eego naca, nacaadiirta, nusqaanta iyo
naxliga dhex hoganaya baraha bulshadeenu ay ku wada xidhiidho? Aaway bisaylkii
qofnimo? Bisayl maxaynu uga jeednaa? Su’aasha reer Soomaaliland maanta u taalaa
waxa ay tahay Sidee ayeynu u badbaadin
karnaa bisaylka qofnimo?
Hadaynu u nimaadno erayga Bislayl waxaa loo jeedaa: Qof dhisan
wacyi ahaan—oo waayaha dalkiisa ka warqaba, qof dhisan aqoon ahaan iyo Akhlaaq
ahaanba oo garanaya xaqa uu leeyahay iyo xuquuqda qof ahaan lagu leeyahay. Marka
lasoo koobo kelmada bisayl qofnimo aragtidayda gaaban, aniga oo halbeegsanaya
astaamo cayiman waxay iila muuqata siyaabahan soo socda:
Waxa uguma fiirsado, Sida qof kasta oo caadi ahi uu ugu
fiirsado mawaaqifta iyo dhacdooyinka ku xeeran, laakiin waxa uu isku miisaamaa
saxa iyo qaladka, xaqa iyo xaqdarada, caqliga iyo caadifada; waxana aakhirka uu
soo saaraa fikir talo saliim ah oo lagu bogsoodo.
Waxyaabaha u gaarka ah qofka bisil waxa ka mida weligii kama
xishoodo inuu aqbalo waanada iyo talada loo soo jeediyo.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu garto bisaylka qofnimo waxa
kamida tawaaduca iyo is-dhul-dhigidda, waayo waxa uu ogsoon yahay in Rabi ka
cilmi iyo awood badani uu ka sareeyo; waana mid aqoonsan daciifnimadiisa.
Qof bisili waa mid si dhab ah u garanaya waxa uu damacsan
yahay, sida uu ula dhaqmayo dadka ku xeeran, xurmeynta afkaarahooda iyo
dareenadoodaba; waana mid ogsoon halka uu wax ka bilaabayo markay ra’yi noqoto.
Qofka bisil waxa aan lagu garan waayin deganaanshihiisa
marka uu doodayo, dulqaadkiisa marka lagu qaldamo iyo habka hadalkiisa ee
xanafta iyo ka madhan shakhsi weerarka ee leh xikmada iyo hoga tusaaleynta.