Dhab-ka-Hadalku Ma Noqon Karo Maaweelo iyo Madax-Salaax. Yuusuf Garaad

Soomaalida shalay lagu dilay qaraxyada iyo rasaasta dhowr goobood oo Muqdisho ah oo uu ka mid ahaa Wasiir-ku-xigeenku, waxaan Allah uga baryayaa naxariista janno. Ehelkoodana Ilaaheey samir ha ka siiyo, hana u buuxiyo kaalintii ay ugu jireen dhan walba. Waa dad aan waxba galabsan oo ay dileen dad banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ee dhibka sooyaalka noqday – dhaqaale xumada, amni darrada iyo adeeg xumada la daalaa dhacaya.

Markii aan ku mashquulsanaa qoridda sadarradan iyo hadda oo aad adigu ku mashquulsan tahay akhrintooda, rag ayaa ku mashquulsan diyaarinta qaraxa kan xiga, goobta ay rabaan in ay weeraraan, sida iyo goorta ay doonayaan.

Waxay qorsheynayaan Goobta uu ka dhacayo qaraxa kan xiga, in ay dad hadda nool oo markaas goobta weerarka joogaa ay noqdaan qaar ay dileen, kuwo ay dhaawaceen iyo qaar dhaawac maskaxda ah la baxsaday oo ka sheekeeya sida dadka loo laayay, lagana yaabo in ay kuwaasi ku dhintaan qaraxa kaas xiga.

Dadka khabaar-moogga ah ee hadda loo tashanayo, ee joogi doona ama tegi doona goobta weerarka loo asteeyay, waxaa laga yaabaa in ay ka mid noqdaan qaar hadda xaaladda amniga dhaliilsan iyo kuwa qiilka u raadinaya iyo kuwo aan labada midna taag u lahayn. Si kale haddii aan u dhigo, qaraxa kan xiga ee Muqdisho dadka uu ku habsan doono waxay ahaan karaan qof kasta oo hadda Muqdisho jooga iyo kuwo imaan doona.

Waxaa hubaal ah in qaraxa kan ku xiga uu dhici doono haddii aan wax laga baran kuwii faraha badnaa ee na soo maray, lalana imaan si shaqeyneysa oo ka duwan sidii la isku dayay in kuwii hore lagu baajiyo.

Xagga Kubbadda Cagta, guul ma soo hoyn kartid keliya haddii aad isku halleyso daafac iyo tababbar ku kooban goolhaye. Goolhaye si kasta oo uu u xirfad badan yahay waa hubaal in goolal laga dhalin doono.

Amniga Muqdisho sugitaankiisu ma ahan in uu ka billowdo kuna dhammaado ilaalinta waddooyinka iyo dhismayaasha Dowladda. Amniga Muqdisho ma ahan hub mana ahan askari tababbaran oo saanaddiisu ay u dhan tahay oo waddada la dhigo. Amnigu ma ahan daryeelka iyo hanuuninta ciidanka. Ma aha waddo la xiro. Ma ahan xuuraansi xeeladeysan. Ma ahan weerar xilli iyo si aanay fileyn bartooda loogu geeyo ragga sida xorta ah u qorsheynaya weerarrada si ay markaas ugu mashquulaan daafacooda iyo dib u gurashadooda. Ma ahan amnigu in mar Gobolka Banaadir lagu wareejiyo marna hey’adaha amniga ee “Federaalka.” ma ahan siyaasad iyo in dadka la isu soo dhoweeyo oo keliya.

Waa intaas oo dhan oo hadba miisaan maskaxeed la saaro laguna jimeeyo hadba xaaladda lagu jiro sida ay u kala mudan yihiin isuna buuxin karaan.

Mas’uuliyadda koowaad ee badbaadinta nafta shacabka iyo hantidiisa waxaa leh, haba sii kala badnaatee, mas’uul kasta oo u dhaartay siyaasadda dalka iyo sarkaal iyo askari kasta oo u dhaartay amniga dalka.

Inkasta oo aan jeclaa cagsigeeda, waan ogahay qoraalkeyga kuma jiraan wax lagu farxo, laakiin dhab-ka-hadalku ma noqon karo maaweelo iyo madax-salaax.

Yuusuf Garaad Cumar

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland