Dhowr Iyo Tobban Qodob Oo Ku Socda Maayorka Cusub Ee Caasimada Hargeysa Abdikarim Ahmed Mooge

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

… in aad tahay rajadii dhallinta iyo rajadii shacabka ee aan inta badan ka dhur sugaynay ayaa igu dirqiyaysa in aan ka fakero sidii aad hoggaaminta DHH ugu guulaysan lahayd. Waxa aan u arkaa haddii aad fadhilanto in dhallinyarta oo dhan fashilkaasi gaadhayo, sidaas na  kalsoonidii iyo rajadii shacabku god ugu dhacayso anna sawirkaas weyn aniga oo dhawraya ayaan talooyin kan iyo kuwa kale oo saaxiibnimo oo aan hoos  kuu odhan doono ba igu dhaliyay. Lix sanno ayaan DHH wax ka qorayay sababtuna in aan Soltelco necbaa maaha e waa in aan garanayay hay’adda Dawladda Hoose Ee Hargeysi doorka ay noloshayda ku leedahay. Si kasta ba ha ahaatee, qodob badan baan dan mooday in aan kula wadaago.

  1. Haki dhismeyaasha iyo galalka dhulka ee socda dhammaantood si aad fakaag ugu hesho samaynta qorsheyaasha dib u karaarinta shaqada cusub.
  2. Haddii aad ka dhawrsato xoolaha ummadda waxa kuu fududaan hoggaaminta iyo jahaynta xildhibaannada. Sida oo kale dad weynaha ayaa fursad ay kugu soo gaadhaan kuu heli doona.
  3. Xilku waa awood iyo dhaqaale kulmay waana bartaas halka rag badan oo markii hore wanaagsanaa ay ku turunturoodeen adna waxa aan kaaga digayaa in aad ka foojignaato.
  4. Warbaa laga shaqeeyaa DHH waxaana jooga shakhsiyaad xumaha ku takhakhusay oo darsay sida madaxda loo marin-habaabiyo iyagana ka taxadir.
  5. Shaqaalaha dawladda hoose inta aanad culays shaqo ku soo kordhin horta waxa aad sare u qaaddaa mushaharkooda iyo niyad-samaantooda. Intaas kaddib ayay kuu suurto-geli kartaa in aad la xisaabtanto, tusaale; Joomitirku celcelis ahaan wuxuu qaataa 50$ waxaanu ka garnaqaa dhul qimahiisu gaadhayo Malyuun doolar sideen qofkaas uga sugi karnaa shaqo wanaagsan iyo caddaalad?
  6. Shirkadaha xashiishka gacanta dawladda hoose ku soo celi, waxay la wareegeen adeeg ka mid ah kuwii dawladda hoose shacabka u qaban lahayn, xashiishka waxa ay ka qaadaan Hargeysa isla Hargeysana way ku qubaan.
  7. Raadso dadka aqoonta u leh basrinta khashinka caafimaadka “Medical west management” xilli aan daba-gal ku sameeyay raadka khashinka caasimadda ayaan ogaaday halista caafimaad ee khashinkaas dadka ku haya. Dhakhtarrada Hargeysa Adna oo keliya ayaa leh hannaan gaar oo khashinkaas loo maamulo xataa dhakhtarka weyn ee Hargeysi ma leh.
  8. Karasharka iyo agabka DHH suuqa ayaa lagaga shaqaystaa iyana waxaan ku soo jeedin lahaa in aad GPS ku xidho nidaam na u samayso si aad ula socoto dhaqdhaqaaqooda.
  9. Diwaan-geli tirada guryaha DHH leedahay ee kiraysan, lacagta ay ku kiraysan yihiinna dib u eegis ku samee oo go’aan ka gaadh, sababtuna waa in qaar faras magalaha ku yaal 40$ ku kiraysan yihiin.
  10. Dawladda Hoose xafiis xogta luugu yimaad oo gaar ah ma leh” Data center” waxaanan u arkaa bar bilawga dardar-gelinta shaqada.
  11. Waxa ayaan-badnaan ah in xildhibaannada golahaaga rag badan oo nadiif ah, karti leh oo hawl-kar ahi ku jiraan fadlan uga faa’iidayso mid kastaa wuxuu ku wanaagsan yahay.
  12. Hadalkaagu ha yaraado, wacyi-gelinta hay’adda dawladda hoose na yay kala go’in.
  13. Hargeysi waxay leedahay odayaal guurti ah oo raggii kursiga aad ku fadhido soo maray dhammaantooda talo u doonteen, dhismaha magaaladana wax weyn kala qabtay, kuwaas oo aan ka xusi karo Xaaji. Aadan Axmed Diiriye “ Aadan-baradho” waxa aan kuu soo jeedin lahaa in u talo doonato.
  14. Shirkadda gaar ah ee dhulka GPS gelisaa waxay gacanta ku haysaa adeeg hay’adeed sharcina kuma dhisna heshiiskeeduna xalaal maaha, qiimaha ay dadka ka qaadaanna waa mid aad iyo aad u sarreeya oo damiirka nooli diidayo fadlan gacanta DHH ku soo celi.
  15. Shaqada degmooyinka u dhaadhici si xarunta dhexe culaysku uga yaraado.#Hayaannews

FG: Rabbi waxa aan ka baryayaa in golaha deegaanka ee Cusub guulaysto oo ummadda si wanaagsan ugu adeego. Si ay u dhawaato Rajada ah in hoggaaminta dalka dhawaan dhallinyaro la wareegto.

Qalinkii: Cabdinaasir Axmed Abraham

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com