Dhulboobka qoyska madaxweyne Muuse Biixi!

Hayaay! Hayaay! Hayaay! Hayaay!

Mafia Style!

Qoyska Muuse Biixi iyo dhulkii danyarta ha lagu kala hagoogtooy! Hayaay!

• Sheedaha 60 baloodh oo qaarna dhisan yihiin, qaarna dayran yihiin. Maxkamadda ayaa la isku la jiraa.

• Buurta Kala Jeexan dhul ay deggan yihiin 600 oo qoys oo danyar u badan Waa loo soo xukumay.

• Halkuu lahaa “madaxtooyaan ka dhisanayaa”. Waa ay socotay.

• Galbeedka Hargeysa lix baloodh. Sheeko taagan oo socota.

• Degmada Koodbuur hak balood oo yar oo nin ka mid ah macallimiinta dugsiga Nuuradiin dhisanayey iyo in badan oo kale oo aan la ogeyn, mayorkii Hargeysa iyo maxkamadihiiba waxa haysta qoyska Muuse Biixi.

Inta dhul ama dhisme uu qoysku iibsadey labadii sano ee u dambeeyey xisaab ma leh.

Guryaha madaxtooyada ka dambeeya ayaa ballaysinku ahaa. August 2018 waxa $800,000 lagu la wareegey gurigii siyaasigii Xaaji Ibraahim Nuur, AHN, ee madaxtooyada ka dambeeyey.

Beertii Cismaan Dacas oo beerihii ku xigey qaarna madaxwynuhu iibsaday, qaarna ku durkay afarta naasba way hoorayaan!

Suuqa Waaheen waxa caan ka noqotay “tomaandhada madaxweynaha”. Waa tamaadho tayo leh marka loo eego tii Itoobiya ka iman jirtey.

Wersheddii saliidda la lahaa waa ay safaynaysaa oo ku ururtay jeebabka iyo gacmaha dillaalnimo ee qoyska madaxweynaha ee “Mafia Style” ka noqday.

Meeliba ma fayooba. Dhulkaa se ugu daran, waayo waxa uu boobkiisu taabanayaa dad danyar ag oo aan iska difaaci karin awoodda xubnaha qoyska madaxweynaha ee sharcigii gacanta ku qaatay.

Min Aw Barkhadle ilaa Abaarso baqoolka baloodho raadineed ee qoysku waa uu is daba taxan yahay.

Berbera dhiillaa ka soo yeedhaysa. Rag dhul badan iyaba markii hore iska dayrtey ayaa madaxweynuhu waxa uu ku yidhi cawri gaf ka bixiya; haddii kale maraqiinna iyo Mafia Style”.

Sir iyo caad ba qoyska madaxweynuhu oo laftiisu ka mid yahay waxa dhulkii danyarta looga daadiyey sonkor nabaad iyo sur awlallo ka kooban.

Horaa loo yidhi “madaxweyne Muuse Biixi “dhoobadu kama qallasho”, haddana qoyska madaxweynaha “baloodh na ka badbaado”. Mafia Style!

Bahal caydhin ma daayo ninna caaddi ma baajo.

Alle ha sahlo, waxani wax ummadda hore u soo maray ma aha. Madaxweyne isaga iyo xubnihii qoyskiisu dhulkii danyarta boobayaan! Waa xishood iyo xayo darro maryo dhigasho ah.

Awel beeraha iyo block-yada ayay ahayd, hadda se wax ba la dhaafi maayo oo waa “maafishkaba keen” oo xitaa halka baloodh waa dhul qoyska madaxweyne Muuse u baahday.

Sheekada macallin Maxamed Soomaali ee social mediayaha wareegaysa ee degmada Ibraahim Koodbuur waa tu xanuun badan.

Bannaanbaxyo salmi ah in arrintaas dhul boobka qoyska madaxweyne Muuse Biixi laga sameeyo ha la taageero.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan