Digniin: Khatarta Adeegsiga Ereyga “Cumar Binu Cafuuf” — Qalinka: Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi Bashiir)

Adeegsiga ereyga “Cumar Binu cafuuf”: digniin

Adeegsiga ereygaasi waa jeesjees diineed oo halis ah. Qof kasta oo muslin ahna waxaa lagu waaninayaa in uu ka waantoobo.

Ereyga asalkiisu waa dhawaaq qaldamay oo nin madax ah oo reer Burco ahi, si qaldan ugu dhawaaqay ” الامر بالمعروف والنهي عن المنكر” = “Wanaagfarista iyo xumaanreebista”. Sarkaalka oo kariwaayey ereygii carabiga ahaa, ayaa yidhi “Cumar binu Cafuur” oo uu ula jeeday Al-amru bil-macruuf

Dabadeed, dad ayaa arrintii ka dhigtay maad iyo jeesjees.

Haddaba waxaa isweydiin leh, in lagu maadsado rukun ama tiir ka mid ah tiirarka Islaamka, muxuu noqonayaa xukunkiisu?

“Al-amru bil-macruuf, wa-nahyu canil-munkar” = “Wanaagfarista iyo xumaanreebistu” waa tiirka ku oo xiga shanta tiir ee islaamka, oo waa sifo muslinnimada ku lammaan. Culimo badan ayaa ka dhigay tiirka 6aad ee islaamka, laakiin maadaama daliilku sheegay 5tiir oo keli ah, waxa aynu odhanaynaa Islaamku waxa uu leeyahay 5 tiir uun. Balse wanaagfarista iyo xumaanreebistu waa sifo ku soo xigta shanta tiir-islaam.

Aayadaha uu eregaasi ku xusanyahayna waa tiro-beel. Bal eeg:

{ كنتم خير أمة أخرجت للناس تأمرون بالمعروف وتنهون عن المنكر وتؤمنون بالله } = ” waxa aad tihiin ummadda ugu khayrka badan ee Bina aadanka u soo baxday. Sababtoo ah waxa aad ku sifowdeen wanaagfarista iyo xumaan reebista iyo rumaynta Alle”

Mar kale Waxa uu Alle yidhi:

{ والمؤمنون والمؤمنات بعضهم أولياء بعض يأمرون بالمعروف وينهون عن المنكر ويقيمون الصلاة ويؤتون الزكاة ويطيعون الله ورسوله أولئك سيرحمهم الله إن الله عزيز حكيم } = “Ragga muuuminiinta ah iyo dumarka muuminaadka ahi waa:

– xigaalo isxidhiidhiya.

– Wanaagga ayey isfaraan,

– xumaanta ayey iskareebaan,

– Salaadda ayey oogaan,

-sekeda ayey bixiyaan,

– Ilaahay iyo rasuulkiisana way addeecaan. Kuwaas Alle ayaa u naxariisan doona. “

Tobannaan aayadood oo kale ayaa jira. Markaa laguma jeesjeesi karo; aayadahaas ereyadooda, macnahooda iyo dadka ku sifooba midna.

U sii gudbiya digniintan, dhammaan dadka uu u dhuuntay gefkani. Yaanu si sahlan idiin duufsan iblayska iyo ciidamadiisa oo aad dad caadi ah moodaysaan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com