Warqad Furan oo kusocoto Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi
Bismillaahi Raxmaani Raxiim 27kii Okt.2019kii
Ka: Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley)
CALI QORYOOLEY OO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI TALO IYO ERGO U DIRAY 2019
Mudane madaxweyne marka hore iga
guddoon,salaann diiran oo xambaarsan xushmada ay leedahay jagada hogaaminta
qaranka aan jeclahay ee Jamh Somaliland,islamarkaana waxan kuu ergaynayaa aniga
oo kuu hiilinaya,oo gudanaya hiilkii aad iga mudnayd,waa hiilkii uu
rasuulkeenii suubanaa xadiiska saxeexa ah ku cadeeyay,ee ahaa (walaal u hiili
haddii uu gardaran yahay iyo haddii laga gardaranhayba),
Mudane madaxweyne waxan kuu ergaynayaa aniga oo afar qodob ka
duulaya
1) Waxan kuu ergaynayaa aniga oo qofkasta la jecel wanaagga aan
naftayda la jeclahay,adiga kula jecel waxkasta oo wanaagsan oo aan naftayda la
jeclahay,kula neceb waxkasta oo xun oo aan naftayda la necbahay.
2) Waxan kuu ergaynayaa aniga oo lexejeclo weyn ka
qabo,sharaftaada shaqsiga ah inta adduunka la joogo,islamarkaana lexejeclo weyn
ka qaba ubadkaaga,
3) Waxan kuu ergaynayaa,aniga oo aakhiro inaad jannada gasho kula
jecel,
4) Waxan kuu Ergaynayaa aniga oo lexejeclo weyn ka qaba
dowladnimada Somaliland,iyo sunnaha siyaasadeed ee dhaqanka madaxda dalkeena
saameynta xun ku yeelan doono,sida inay madaxda dambe waxay doonana kula kacaan
bulshadooda.
5) Waxan kuu ergaynayaa,aniga oo ogsoon inay ariinta aan kaaga
ergaynayo,ay dad badan oo eheladeena ah iyo dad badan oo shacabkaaga Somaliland
ahi ay kaala hadleen khilaafka dhulka ay qoyska reer Biixi eed u weyntahay iyo
danyarta badan isku haystaan,
2Aan ku horeeyee inadeeroow horta ifka
waxan kula jeclahay inaad sharaf ku noolaatid,oo sharaftana waxad ku helaysaa
1) inaad shacabkaaga u xurmaysid sidii ay kuu xuurmeeyeen ee ay
kuu doorteen,waayo waxa la yidhi,”Gobtuna xurmay doontaa ooy u
halgantaa,Biduhuna dheregbuu doonaa”,walaaloow inaad adigu xurmadii lagugu
doortay ay kugu fillaato ayaan kula jeclahay,dhulkaas ay danyartii dalkaagu
degan tahayna aad isaga xadhid,ood danyartaas iyagaa kaa baahi badane aad u
iyaga u deysid dhulkaas.
2) inadeeroow waxan kuu ergaynayaa aniga oo aad uga xun inay
dhulkaas reer Biixi dacwaddiisii iyo ciidamadii aad u dirtay ay aad hoos ugu
dhigeen magacaagii iyo sharaftaadii iyo weliba magicii deegaankeena,magicii
raaskeena iyo magicii jifadeena hoose,iyada oo weliba horena dhulka la inoogu
xamman jiray muddadii ay jamh. Somaliland jirtay.
3) inadeeroow waxan kuu ergaynaya aniga oo ogsoon shaqsiyaadkii
dhulboobka ku mammay ee reer Somaliland cuduradii khatarta ahaa ee ay u
dhinteen iyo sharaf darradii ay bulshada ku dhexjoogeen,.
4) inadeeroow waxan kuu ergaynayaa aniga oo ogsoon inuu qoyskaagu
ama caruurtaada ay leedahay oo aad hore ugu sameysay hanti badan iyo guryo
badan,waxa keliya ee ay tahay inay kaa dhaxlaan imikana ay tahay cisi iyo
sharaf ay bulshadooda mustaqbalka ku dhexjoogaan.
5) madaxweyne ama inadeeroow waxan kuu ergaynayaa aniga oo kuugu
caqli celinaya,in anaan aniguba 1 boloodh ku lahayn Hargaysa,1 aqalna aan ku
lahayn kirana ku jira,sidaasna aan u yeelay,laba qodob inaan sharaftayda
shaqsinimo ka ilaaliyo turxaan yar,xan yar,tuhunyar,iskana fogeeyo xantii
jifadeena lagu xamman jiray dhulboobka ee “ku qabso ku qadi mayside la odhan
jiray,
a) in aanan aqal ka dhisanin,dhul markii hore danguud loo
qorsheeyay,waxanan maayaradii Hargaysa midkasta weydiisan jiray,maayaroow
haddii aad iiheleysid dhul aanad danguud u qorsheynin,oo aad awood uleedahay
waxad iga siisaa 1 bolood,iyaguna waxay iigu jawaabayeen,ma haynee dhulka
danguud boloodh ma kaa siinaa?,maya dhulkaas qaadan maayo ayaan ku odhan jiray,
b) midda saddexaad waxay ahayd, inaan Ilaahay ku raaligeliyo,oo
aanan sinnaba uga qayb qaadanin waxyaalihii aan ku dhaliilayay madaxdii
maamuladdii ama xukuumadihii dalka Somaliland,anigana illeen qoraabaan ahaye
aan la iihelin ceeb ama xummaan noocnaba,hantidana waxan aaminsanahay inuu
illaahay bixiyo si ama waddo xaaraan ahna aan lagu doonin ama lagu kasbanin.
6) mudane waxan kuu ergaynayaa aniga oo
aaminsan ama ku qanacsan,in adigu aad ahayd,ninka labaad ama saddexaad ee ugu
awoodda badan dalka Somaliland 1991- 2017kii,maantana aad tahay ninka 1aad ee
ugu awood badan dalkan,sidaas darted,dhul aad adiga ma qoyskiinu yihiin in
aanay cidi kaa qaadi karaynin horeysa iyo dambeysaba,taas awgeed inaad maanta
dhulkaas danyartu ay degan tahay,aad awoodaada madaxweyne iyo xoog ciidan aad
ku fushatid inay ceeb iyo cidhib xummo uun aad ka dhaxli doontid.
7) waxan kuu ergaynayaa aniga oo sharafta iyo mustaqbalka siyaasadeed
ee dhalinyarada iyo aqoonyahanada deegaanka aynu kasoo jeedno iyo kuwa
jifadeena hoose ilaalinaya, kana ilaalinaya,inaan madaxweynanimadaada ka
dhaxalno magac xumo deegaan ahaan,dhegxumo iyo takoor siyaasadeed oo
mustaqbalka lagaga cararo madaxdnimada ragga jifadeena.
8) m/weyne waxan kuu ergaynayaa aniga oo xusuusan,sidii uu yeelay
madaxweyne Siilaanyo markii lagu qabsaday,dhul uu qoyskiisu Burco ka
iibsaday,xilliyadii uu mucaaradka ahaa,dabadeedna markii loo sheegay ee uu
waxgaradkii beeshiisa la tashaday,iyaguna ay ku yidhaahdeen,siilaanyooy maanta
kala dooro xurmada lagu saaray ee madaxweynanimada iyo dhulkaas yar,dabadeedna
isaguna uu yidhi,waxan doortay xurmada la isaaray ee hogaaminta
umamdeedd,inaadna sidaa yeesho ayaan kuu rajaynayaa.oo aad la tashatid
waxgaradka deegaanka aynu kasoo jeedno, ama ciddii nasteex ada bididba.
Mudane M/weyne Inadeeroow waxan kuu ergaynayaa inaad aakhriadaada
ilaashatid oo aad laxisaabtanka illaahay naftaada la xisaabtami doono aad ka
baqatido,dadkaaga ku doortayna aad utudhid,una naxariisatid.
1) waxan kuu ergaynayaa aniga oo xusuusan xadiiskii saxeexa
ahaa,in ninkii taako dhul ah xaqdarro ku qaato,maalinta qiyaamaha uu iman
doono,isaga oo 7dhul qoorta loosoo sudhay,miisaanka xisaabtiisa la dulsaari
doono,
2) waxan kuu ergaynayaa aniga oo xusuusan,islaan danyar ahayd,oo
xilligii Mucaawiye amiirka ahaa boloodh oo ay lahayd,uu nin xaqdarro kaga
qaaday,kaasoo weliba ay maxkamaddii xilligaasi u xukuntay isaga,kadibna markii
ay maxkamadda kasii bexeysay Islaantii ,iyada oo aan u murugaysan,ay hadashay
oo ay habaartay oo tidhi,”ninoow waxan illaahay ka baryayaa in haddii uu
ogyahay inaan dhulkaas anigu xaq u lahaa,inuu dhulkaasi ku dilo,dabadeedna waxa
la yidhi,ninkii oo goor habeen ah boloodhkii dhex maraya uunbuu la dumay god
boloodhka ku dhexyaalay laakiin afkiisa uu cows qariyay,dabadeedna bir fiiqan
oo daxalaysatay oo godka dhextaalay ayaa ninkii caloosha ka gashay,halkii
ayuuna ku nafwaayay,waxayna qoyskiisii ogaadeen markii uu maydkiisii qudhmay ee
uu aad u uray.
3) waxan kuu ergaynayaaa aniga oo xusuusan,sidii ay u kala
mustaqbal wanaagsanaadeen,inamadii uu ka tagay,amiirkii caadilka ahaa ee Cumar
bin Cabdicasiis iyo inamadii ay ka tageen amiiradii kale ee caruurtooda xoolaha
badan uga tagay wiilashoodii,iyada oo wiilashii Cumar Bin cabdcasiis ay ka
cidhib iyo xoolo bateen kuwii dhaxal badan looga tagay
a) waxa la yidhi,Cumar Cabdicasiis markii uu wafaaday waxa uu
adduunyo katagay,19 dirham oo keliya,waxana uu lahaa,9 wiil,midkasta waxa uu
dhaxal u helay 1 dirham,
b) Amiir Cumarbaa lagu yidhi,markii uu sakaraadayay,maxada inamada
xooloay ka adhxalaan uga tagi weyday,wuxuna ku jawaabay,haddii ay dad khayr
badan noqdaan,ilaahaybaa dadka khayr badan jecl oo u gargaari doono,
c) haddii ay dad khayr darran noqdaana,waxan diidayaa in xoolaha
badan ee ay iga dhaxlana ay bulshada ku fasahaadiyaan.
4) saaxiibkaygii horooy,waxan kuu ergaynayaa aniga oo ogsoon inaad
maalin aad u dhow aad geeriyoon ama hoyandoontid, maxaayeelay,maanta
todobaatankii kkorbada u dhaaftay oo wadkii waynu kusii dhawaanay
labadeenuba,sidasa awgeed haddii imika lagu ogeysiiyo maalinta aad
dhimmandoontidna in aanad dhulkaas ku dacwooteene aad danyarta imika degan
udeyn lahayd,welibana aad khayr badan kasban lahayd.
5) mudane m/weyne Muusoow waxan kuu ergaynayaa aniga oo xusuusan
xadiiskii saxeexa ahaa,”dadku waxay jecelyihiin inay xoolohooda
yareeyaan,xoolaha dad kalena badiyaan,maxaayeelay xoolaha dadka kale waxa
weeye,xoolaha laga dhaxli doono,xoolohooduna waa hantida ay
saddaqaystaan”,adiguna imika xoolo aad dhawaan ka tagi doontid,waxba ka
badinina gerida xusoooso oo dadka oo dhan iska cafi anigana iga bilow oo
danyartaasna u daa dhulkaas ay ku ooyayaan.
6) waxan kuu ergaynayaa,aniga xusuusan qisadii dhexmartay amiir
Mucaawiye iyo ninkii ay beerohoodu isku xigeen,kaasoo warqad kulul
uqoray,mucaawiye oo weliba yarana caayay,una sheegay inay shaqaalihii beertiisa
ka shaqeynayay ay kusoo durkeen dhulkii beertiisa,waxoogaana ay ka
goosteen,kaasoo mucaawiye markii uu qoraalkii ninkaas akhriyay uu ugu jawaabay,hebeloow
anigu waan ku ammaanayaa adiga iyo hooyadaaba,waxanan kuu hibaynayaa
beertaydiiye walaal laga bilaabo maanta adigaa mulkigii beertasa kugu
warejiyay,inadeeroow dariiqaas inaad sunne nooga dhigtid ayaan kaa codsanayaa
oo aad ka tanaasushid dacwadda dhulkaas lagugu haysto ee ceebta mooyaane
waxkale aanad ka heleyinin.
Hadaba inadeeroow madaxwryne iga aqbal ergadaasoo dhulkaas isaga daa dadkaas danyarta ah.
NB fiiro Gaar ah
Waxan ka rajeynayaa waxgaradka iyo waayeelka deegaanka Muuse ama kuwa jifadayadu inay M/weynaha unastexeeyaan, ergana ugu tagaan si uu dhulkaas murankiisa uga tanaasulo danyartana ugu daayo.

Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley)
ilaahaybaa mahad oo dhan leh,wabillaahi towfiiq