Faarax Macalin waxa uu ka Xunyahay Horumarka Somaliland iyo Xidhiidhka Saaxibtinimo ee Waddamada Jaarka ah.

Somaliland waxay horuumar wayn ka samaysay dhinaca siyaasadda arrimaha dibeda mudadii uu xukunka hayay madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyada oo laga duulayo sidii qadiyada Somaliland looga dhaadhicin lahaa wadamada jaarka la ah Somaliland iyo kuwa kale ee calaamkaba,taasoo horumar laga gaadhay.

Xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland la samaysay wadamada jaarka ah, waxay abuurtay colaad hor leh oo ka timid dawladda Soomaliya iyo shaqsiyaad saamayn leh siyaasada,kuwaasoo ka xumaaday horumarka siyaasadeed ee Somaliland samaysay muddooyinkii u danbeeyey,taasoo keentay in Soomaliya ay xidhiidhka u jarto wadamada Gini iyo Kenya.

Shaqsiyaadka sida tooska ah uga horyimid Horuumarka Somaliland ee dhinaca siyaasadda arrimaha dibeda waxaa ka mid ahaa Faarax Macalin oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, haatana ah afku xoogle khalad iyo sax ba ku taageera Madaxweyne Farmaajo, isaga oo ka cararay dalkii uu u dhashay ee Kenya.

Faarax Macalin, waxaa uu beryahan eedayn u jeedinayey dowladaha Kenya iyo Jabuuti ka dib markii labadaa dal uu booqasho rasmi ah ku tegey madaxweynaha Somaliland bishii la soo dhaafay, safaradaasoo ku soo dhamaaday guul iyo xidhiidh hor leh, gaar ahaana xidhiidhka cusub ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

Faarax Macalin waxaa uu bixiyey waraysiyo kala duwan iyo qoraalo ka dhan ah xidhiidhka dowlada Somaliland iyo dalka Kenya, isaga oo si indho la’aan ah u taageeray xidhiidhkii ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay u jartay dalka Kenya, kaasoo aan waxba u soo kordhin soomali, wax aan fadeexad iyo muuqaal xumo dowladnimo aan ahayn.

Sidoo kale faarax Macalin waxaa uu aflagaadeeyey madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, isaga oo Faarax ka xun soo dhowayntii loo sameeyey madaxweynaha Somaliland, muujinayana sida uu uga xun yahay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dowlada Somaliland iyo dowlada Jabuut.

Sida aynu wada ognahay Faarax Macalin tan iyo markii uu ka tegey baarlamaanka dalka Kenya, waxaa ku dhacay khalkhal siyaasadeed, isaga oo u xuub siibtay shaqsi fadhi ku dirir ah marba nin siyaasi ah uu hadal u dhiibto ama xaalkiisuba uu yahay ii dheh oo kale,.
Si kastaba ahaatee hadalada ka dhan ka ah Somaliland ee ka soo yeedhaya FaaraxMacalin, iyo taageerada indho la’aanta ah ee uu siinayo madaxweyne Farmaajo, waxay muujinaysa sida Faarax macalin uu uga xunyahay horuumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay wadamada jaarkeeda iyo aduunka intiisa kaleba.

Waxaan odhan lahaa Faarax Macalin, ka waantow qiirada aan jirin ee aad ku taageerayso Farmaajo oo aad ogtahay in ciidamo ka yimid wadamada aad caayaysid ay ku ilaaaliyaan Muqdisho.

Cabdillaahi Axmed Caarshe,

Hargeisa, Somaliland