Fariin Ku Socota Waalidiinta Soomaalida UK.  

London(Hayaannews): Baarlamaanka ingiriisku wuxuu xaq u siiyay waalidiintu inay caruurtooda kala baxaan casharada Galmada iyo jinsiga ee sannad dugsiyeedka soo socda la bilaabayo dugsiyada dalka ingiriiska.

9-kii bishii July ee sannadkii hore 2020, baarlamaanka dalka ingiriisku wuxuu ansixiyay nuqul sharciyeed loo yaqaano RSE and exemptions.

Nuqul sharciyeedkaasi wuxuu si faah faahsan, oo qoto dheer u sharaxaya, qaabka ay dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka ingiriisku u bari karaan caruurta casharada galmada iyo xidhiidhka jinsiga.

Bulshooyinka Muslimiinta, Yuhuuda iyo Kiristaanka dalka ingiriisku, waxay diideen in caruurtooda gebi ahaanba loo dhigo casharadani oo markii hore ahaa qasab (Compulsory).

Dawladda ingiriisku iyadoo ixtiraamaysa aragtida bulshooyinka diimaha Abrahams aaminsan, waxay ku dartay xeerka in waalidiinti ay xaq u leedahay inay carurtooda kala baxaan kilaasyada (Classes) casharada galmada iyo xidhiidhka jinsiga.

Maxaa Hadda waalidiinta la gudboon

Dhawaan Iskuuladu waxay waalidiinta iskugu yeedhi doonaan kulano guud iyo kuwa gaar, gaar ah, oo waalid kasta uu maamulka iskuulka si gaar ah ula kulmayo.

Waalidiintu waxay xaq u leeyahiin in maamulaha Iskuulka uu ku wergeliyo inaanu ogolayn in caruurtoodu barato casharada.

Dabadeed maamulka iskuulku waxay ka saxeexayaan qoraal, adigana nuqul lagu siinayo, iskuulkuna nuqul la hadhayo.

Marka caruurta kama qayb gallayaan kalaasyada, waana heshiis sharci, oo haddii iskuulku idinkoo heshiiska kala saxeexday uu caruurta geeyo kalaasyada lagu baranayo casharada Galmada iyo xidhiidhka jinsiga, sharciga ayuu iskuulku jabinaya, maxkamad ayaad la hor tagi karta.

Waalidiinta Soomaalida ku nool UK waxaan usoo jeedinaya inay sida ugu dhakhsaha badan ballamo uga samqystaan maamulada iskuulada caruurtoodu dhigato.

Wixii tallo iyo tusmo ah waad ila soo xidhiidhi kartaan

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com