Fooladeyntii Nabi Ciise Iyo Ceerigaabo Qalinkii Mohamed Daud

Bal la soo kala baxa Baaybalka, Kitaabka Kiristaanka ee Mathews (2:1-14). Cutubkiisa labaad, aayadaha 1-14. Laba kun oo sano ka hor, waxa uu ka sheekaynayaa Seddex aqoonyahan oo soo gaadhay Baytlaxamta Falastiin. Kana yimid xaggaas iyo bari. Nimanku Cilmi Falagga ayay xaarfaan ku ahaayeen.

Safar aad u dheer bay soo galeen, oo waxay ku soo beegeen dhalashadii Nabi Ciise, si ay u fooladeeyaan. Waxay sideen hadiyad ka koobnayd Malmal, Maydi iyo Dahab. Waxay ula soo galeen Maryam oo markaas uun umushay Nabi Ciise.

Hadiyaddii isugu jirtay dawo caruureed iyo dahabka qaaliga ah bay u dhiibeen Maryam. Waxaanay kula taliyeen inay wiilka ula baxsato xaggaas iyo Masar, si aanu u dilin boqorkii Herrod ee dalka xukumi jiray. Sidii baanay yeeshay, oo Masar kula maqnayd intuu ka gaadhayay 8 jir.

Seddexdaas aqoonyahan ee Awliyada Ilaahay ahaa … Hadday ku tartamaan Cummaan, Casab iyo Ceerigaabo, iyamaa ku guulasanaya, ee caddayn ahaanna qani ku ah seddexdaas walaxood ee qaaliga ah; Maydi, Malmal iyo Dahab?

Sayladda Amazon, maanta qiimaha halkii Kiilo ee kala ah saliidda Maydiga, saliidda Malmalka iyo Dahabku waxay kala noqonayaan, sida ay isugu xigaan: $1,300, $1,600 iyo $44,600. Inana ma taas baynu ka gaajoonaynaa?

Ayaan daranaa dadkaygu

Aqoon daranaa dadkiisu

 

Mohamed Daud

Hayaannews, Offce

Hargeysa, Somaliland