GEELA W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

Geelu waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia) qoyska ballaadhan ee qanjaafileyda (Artiodactyla). Geelu waxay ku jiraan qoyska hoose ee geela (Camelidae), bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Camalus). Asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa waqooyiga Ameerika, inkastuu xidhiidh dhaw la leeyahay bariga dhexe iyo qaaradda Afrika. Guud ahaan geela adduunka ku dhaqan waxaa loo qaybiyaa laba nooc kuwaas oo kala ah: mid hal kurusle ah (Dromedary camel) iyo mid laba kurusle ah (Bactrian camel), sidoo kale waxa jira nooc geela kamid ah oo aan lahayn Kurus, kaas oo aad u gaagaaban kuna nool koonfurta Ameerika laguna magacaabo (Llama).

Geelu waxay kamid yihiin xayawaannada dhirta laacda ama se tiigsada (browsers Animal). Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Camel), Carabidana (ابل).  Afsoomaaliga guud ahaan waxaynu unaqaannaa GEEL, dheddigiisa Hal, markay dhawr neef dhashana Duq,  labkiisana Awr. Markay geelu yaryar yihiin waxaa looyiqaannaa Nirgo, Cododka geela waxaa loo yaqaannaa: Guux, Cabaad, Olol,  Dunuunuc, Yuus iyo Reen, midka la dhufaanay waa Koran, ka geela tarmiya ee lagu daraana waxaa looyiqaannaa Baarqab. Cimrigiisu waxaa uu gaadhaa 25-40 sanno, culayskiisuna 400 ilaa 600 kiiloo, halka uu dhererkiisuna gaadho 11 fiit. Heerkulka jidhkiisu waxa uu u dhaxeeyaa 34 – 40 digrii, Waxa uu badanaa kunool yahay dhulalka saxarraha iyo saxarro xigeenka ah. Waxa uu leeyahay 74 hiddo-side iyo 34 ilkood. Sidkiisu waxa uu gaadhaa 12-15 bilood, kuwaas oo ku qaangaadh 4 illaa 5 sanno.#Hayaannews

Waxa uu kamid yahay xayawaannada leh dhiigga diirran (warm blooded), Iyo sidoo kale kuwa leh dhawrka caloolood, gaar ahaan geelu wuxuu leeyahay saddex caloolood (Pseudo- Ruminants) waana xoolaha soo calanaqsada. Waxa uu wax quutaa maalintii (Diurnal), isagoo quuta cawska iyo caleemaha dhirta (Herbivore). Saacaddii waxa uu jari karaa 85 kiiloomitir. Geelu waxa uu kamid yahay xayawaannada qur’aanka lagu sheegay mucjisada abuurkiisa, sidoo kale waa meesiga keli ah ee ay diinta islaamku innagu waajibisay in hilibkiisa laga weysaysto marka la cuno. Geela adduunka ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa 35 milyan oo neef,   geela ugu badan caalamka waxaa laga helaa dalalka Soomaaliya, Ustareelliya iyo Suudaan.

Sida bulshooyinka kale ee islaamka ah qoomiyada soomaalidu aad ayay u qadariyaan geela, sababtoo ah meesiyada kale wuu ka manfac badan yahay, waxaana laga helaa: Godol iyo gaadiidsi ama Caano badan, Hilib weyn iyo rarasho culus. waxaa iyaduna isweydiin mudan, Maxaa ka dhaxeeya geela iyo islaamka ? Geela adduunka ugu badan dalalka islaamka ah ayaa laga helaa ama dad islaam ah ayaa dhaqda, toloow waa maxay sababtu ? waxaa jira afmaallo soomaali ah, oo ku caanbaxay ku xarragoodka ammaanta geela, kuwaas oo laga xusi karo: Cabdi-Gahayr, Cumar-Ustareelliye, Sayidkii iyo Abwaan Ismaaciil Mire. Ugu danbayntii Nebigu Scw geela wuu lahaa, waanay usoo dacwoodeen wakhtigiisii, waxaana uu inna faray u naxariisashada guud ahaan xayawaanka.

Mayeedhaan Magazine.

dribraahimm@gmail.com.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com