Gef Soo Yaallay-baa Khasaarahiisii LAASCAANOOD Ka Sii Socdaa.

Rashiid Xaaji Cabdilaahi (Rashiid-GADHWEYNE)

“Runtu waa taas lidkeeda. Dagaalkan wejiga qabiil lahi waa jidka buburka iyo ba’ Soomaaliland.” Rashiid Xaaji Cabdilaahi (Rashiid-GADHWEYNE)

Soomaaliland waxa ay ku timid talo odayaal qabiil oo 1991kii, Burco ku shiray. Waxa ka mid ahaa rag magac iyo meeqaan ba lahaa oo Dhulbahante ahaa. Maalintaas iyo ka dibba dadka qolo waliba way lahayd dad badan oo goosashada oggol iyo kuwo diiddan ba; Dhulbahante na taas dadka kaga ma duwanayn. Isaaqa Soomaalilanta isa siiya ee la siiyo, waxa maalmahaas ba Burco noo gu yimid oo aan anigu gooni u la kulmay sheeko dheer na wada yeellannay Alle ha u naxariisto ee Jaamac Cabdillaahi Qaalib(Jaamac Yare). Waxaa kale oo joogay Cismaan Jaamac(kalluun); asagana dood fiican baannu ka yeelannay arrimaha Soomaalida. Ilaa maanta na waa la ogyahay oo dad badan oo magaca Isaaq leh baa la jira Muqdisho iyo dawladda Soomaaliya; waxa na ka mid ah kuwo badan oo ay mabda’ ka tahay. Tusaale ahaan, Cabdi Xaashi ninna igu ma odhan karo hunguri mansab ama maal buu halkaas u joogaa.

Dhulbahane reerka la dhahaa, maanta ka hor, taas cid na ka ga ma uu duwanayn; hadda se waa sida kale. Dadkii magacaas lahaa maanta Soomaaliland way ka jeesteen. Xataa haddii ay jiraan qofaf Soomaaliland doorbidi lahaa, ma hortaallo fursad ay tooda ugu badheedhi karaan . Waxa Laascaanood ka dhacay ee ka socda ayaa taas keenay.

Rashiid Xaaji Cabdilaahi (Rashiid-GADHWEYNE)

Dagaalka Laascaanood iyo waxa dhimasho, dhaawac, dhaqaale burbur iyo qax iyo barokac dadka ku dhacay, waa meesha ay wax geeysay taloxumo socotay waqti dheer. Waxa ay ka soo unkantay cunsuriyadda eexada qabyaaladeed ee bilowgeeda Soomaaliland lagu dhisay. Madaxweynaha iyo xildhibaanku doorasho qabiil bay ku yimaaddeen oo ay u joogaan; wasiirka reer hebel baa loo magaacaabay; garsoorka, hoggaanka ciidammada iyo madaxda iyo shaqaalaha maamulka madaniga, heer kasta qabiil baa lagu keenay oo ay u tirsan yahiin. Qofka ku waayey aqoontiisii cilmiyeed iyo farsameed iyo khibraddiisii shaqo, abtirsiin qabiil darteed,  maxaa laga fili karaa?! Dalka ay taasi ka qabsato qofkaasi ma u hiloobayaa?!

Tii uu Cali Khaliif (Alle ha u naxariisto)raadinayey ee uu xukuumaddii Silaanyo ay ka heshiiyeen tan bay ahayd. Taloxumada laga ga baxay ee lagu wacadfuray ayaa keentay dhibaatada ba’an ee maanta socota.

Waxa dhacay dilal qudhgooyo ah oo lagu beegsaday foolaadkii bulshada iyo siyaasadda ee gobolka.La ma arag dad dembiyadaas loo qabtay,caddaalad la horgeeyey iyo xukun maxkamadeed oo ku dhacay lagu na fuliyey.Waa taloxumo ku sii biirtay. Waxa ay keentay gadood dadweyne iyo bannaanbax cabasho ah; waxa ciidammada dawladdu kaga jawaabeen rasaas nool oo loogu furay dadkii bannaanbaxayey. Taloxumo aad u foolxun oo jariimo ah baa lagu sii biiriyey.

Waxaa la sheegayaa kooxo argaggixisada Ashabaab ah oo dagaalka ku jirta. Ma aan biciidsanayo oo waa ay dhici kartaa. Hayeeshee meeshhii fidno ka taagan tahay ee dagaal ka oogan yahay bay ku soo aroorayaan oo ka hawl galayaan. Meeshii nabadi ka jirto ee noloshu deggan tahay, awood dawladeed oo waxqabad lahina ka jirto, argaggixiso ka ma hawlgeli karto.

Hadal iyo dhammaantii, runtu, haba  qadhaadhaato ee maanta waxa weeye dadkii magaca Dhulbahante lahaa Soomaaliland wuu ka fog yahay waana uu ka go’ay. Intaas oo taloxumo iska daba timid baana keentay.Haddii in uun rajo laga qabo (oo aad ii la liidata) dagaalkan Soomaaliland dhaqso ha u joojiso. Ciidammada ha ka soo saarto degaanka Dhulbahante sida uu u dhan yahay. Siyaasad cusub oo dhibaatada gun iyo baar wax ka qabanaysa ha ku dhawaaqdo; dadkaas na ha ugu baaqdo nabad iyo in ay soo tashadaan.Waxii ay ku talogoostaanna ha aqbasho dawladda Soomaaliland.

Dadka qaar baa moodaya in ay sidani tahay difaaca Soomaaliland. Runtu waa taas lidkeeda. Dagaalkan wejiga qabiil lahi waa jidka buburka iyo ba’ Soomaaliland. Wax waliba waxa uu yahay buu dhalaa. Qabaa’il isu yimid bay ahayd. Magac dawladeed aan sheeganno baa la yidhi; waxa ina dhexyaalna waa jagooyin ama mansabyo manfac lacageed qofaf ka helaan. Ciddii cadkeeda ku weydaa ama xataa qaweddaa way iska tagi. Qoladii tidhaa waannu iska tegeynaa way tageysaa. Waa Reer Hebel iyo Reer Hebel. Qolo na qolo qool ugu ma jirto.

Qarannimo waa tii wadaag ah ee xuquuq iyo waajibaad ba la siman ee wax qudh ah (ummad) lagu wada yahay. Haddii ay noqon weydo waa lagu wada waayayaa. Waa halka ay Soomaaliland ku sii socoto, haddii inta goori goor tahay, laga soo qaban. Dagaalka waa lagu nacayaa Soomaaliland.

Baaqaygu, tu dadnimo iyo tu Soomaalinnomo ba, waa dagaalkaas ha la joojiyo oo nabaddii lagu wada noolaa ha la soo celiyo; ha na la wada hadlo.

Qalinkii Rashiid Sheekh Cabdilaahi Xaaji Axmed Guuleed (Rashiid Gadhweyne)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com