Gorfayn ku saabsan Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee 2022.

Waa maxay miisaiyad(#budget)?

Miisaaniyadu waa odoroska ama mala,awaalka dakhliga soo gali doona dawlada sanadka soo socda iyo qaabka ay u isticmaalayso(expenditure) ama u qaybinayso.

Isha dakhli(revenue source) ee ugu wayn misaaniyada soomalilan waa cashuurta(tax)

“Tan iyo markii uu dilaacay Xanuunka Safmarka ah ee Covid-19 bilowgii sanadkii 2020, waxa gebi ahaan-ba laga dareemayey Caalamka Qiimihii Ascaarta badeecooyinka oo kor-u kacay, taasi oo ay ugu wacan tahay qulqulkii badeecooyinka o yaraaday.waxaana bogaadin mudan in qiimo dhimis 10% loo sameeyay mudo lix bilood ah Raashinka Quutal-Daruuriga iyaga oo looga dan

leeyahay in aanay qiimihiisu halka uu manta taaganyahay dhaafin” waxa sidaa lagu yidhi

miisaaniyada, waana arin bogaadin mudan oo ah in wasaarada maaliyadu qaadatay talooyinkii ay u soo jeediyeen dadka aqoonta u leh cilmiga dhaqaalaha(economists)

Si aad ila fahantaan aan wax yar qeexo waxa ay yihiiin cashuuraha kastamayadu?

Cashuurtan waa ta ku dhacda alaabaha ama badeecadaha dalka soo galaya ama ka baxaya marka hore waxa bixiya qofka ama meherda la soo degaysa ama dhoofinaysa alaabta ama badeecada, inta kadib waxa ay ku darsadaan kharashka oo ugu dambayn cashuurta waxa culayskeedu ku dhacaa

isticmaalaha (consumer). Tusaale ahaan dhamaan waxa gobolada soomalilan lagu cunayo waxa ay ka soo degaan dekeda Berbera cashuurteedana waxa lagu qaada kastamka berbera, halka dadka cashuurtaa bixiyaa ay ku kala nool yihiin dhamaana gobolada soomalilan.

Hadaba akhriste waxa aan u malaynayaa inaad si fiican iila fahantay cashuurta kastamyadu waxa ay tahay. e bal ila eeg sida kastamayada soomalilan u kala dakhli badanyihiin.

Sida ku cad miisaaniyada bage-keeda 28aad, 98% Dakhliga guud ee dawladda waxa uu ka iman doona Kastamada iyo Cashuuraha Berriga, halka 2% uu ka iman doono Wasaradaha iyo Haya’ddaha kale e dawladda. Saamiga ugu badan waxa uu ka iman doona Kastamada 78% halka cashuuraha Berigu ka yihiin 20%. Geesta kale, Saamiga kastamada ayaa wali ah kan ugu badan Dakhliga Dawladda tan iyo intii Somaliland jirtay, taa cakiskeeda, Saamiga Cashuuraha Berriga

ay ka yihiin dakhliga Guud ayaa kordhay marka loo eego sanadkii hore oo ay ahaayeen 18%.Hadaba side uga kala yimaada dakhligu kastmayada soomalilan?

Sida ka muuqata jaantuska 16aad iyo shaxda 12aad,ee missanaiyada 2022 Odoraska Dakhliga laga filayo Kastamadu waa 1,856 Trillion SLSH, kaas oo 13% ka badan odoroskii 2020. Marka la isku dul taago Goob-goob, kastamka Berbera ayaa ah kan dakhliga ugu badan ka soo xaroon doono Miisaaniyada kastamada 2022, 65.6%, halka Kastamka Kalabaydh oo ah kastamka labaad ee ugu

dakhliga badan laga filayo 21.4% saamiga dakhliga kastamada. Sidoo kale, kastamada Saylac iyo Madaarka Hargeisa ayaa laga filayaa 6% iyo 2.2%. Dhanka kale, isu geynta kastamada kale ayaa laga filayaa 4.8%.

87% dakhliga Kastmayadu waxa uu ka yimaada kastamyada berebera iyo kala-baydh, e waa maxay kastam? Kastamku ma aha Ilo-waxsoosaar sidoo kale ma ah ilo-dhaqaale iyo khayraad dabiici ah ee waa sanduuq ay dhigato dawladu meelaha ay wax ka soo galaan sida dekedaha,madaarada iyo xadadka dhulka.si kale hadaynu u dhigno kastamaku waa jeebad ay dawladu ku

uruursato cashuurta dadban(indirect tax)

Wariye sidiiq birmad ayaa wasiir sacad cali shire waydiiyay su,aal u dhignayd sida tan “ dad badan ayaa ka cabanaya qaabka loo maamulo cashuurta kastmayada oo degaano gaar ah sida gabilay iyo Berbera lagu qaado dakhligii cashuureed e dalka soo galayay badankooda taasna ay sabab u tahay in ay ka miisaniyad bataan degmooyinkii kale. e maxaa ka leedahay eedaa?

Wasiirka ayaa waydiinta kaga jawaabay , war-celin aad u la yaab badan, waxa u wasiirku tusaale u soo qaatay in ay ka dhigantahay sida macdanta oo kale iyo khayraad dabiici ah oo laga helaayo gobol gaar ah sidaa awgeed ay xaq tahay in loo jaro qoondada10% ah! Kama aha wasiirka faham

la,aan balse waa cadaalad daro sharci oo soo taxnayd intii soomalilan jirtay, oo aan loo ahayn wax jawaab ah.

Hadaba maadama oo 87% dakhliga kastamayadu ka yimaadaan labada kastam ee kala-baydh iyo Berbera, xeer lr.12 oo hada la yidhaa xeer lr23 qodobkiisa 14aad farqadiisa 1aad ay odhanayso ‘’degmooyinka ay kastamyadu ku yaaliin waxa ay xaq u yeelanayaan in wasaarada maaliyadu u

qaado 10% oo ka yeelanayso cashuurta guud ee dawlada dhexe( Custom Duty) ka qaado’.

Waa sharci xaq daro ah oo degaano gaar ah siinaya wax aanay xaq u lahayn, waayo in cashuurta kastamayada lagu qaado dhib ma laha e in qoondo gaar ah loo jaro degaanada ay kastamadaasi ku yaalan ayaa ah mid aan waafaqasan nidaamka dawladuhu cashuuraha ugu celiyaan bulshadii cashuur bixiyayaasha ahayd, xalka kaliya e lagu waajihi karaana waa in wax-kabedel lagu sameeyo xeerkaas.

Dhanka cashuuraha barriga soomaliland Sida ka muuqata jaantuska 17aad iyo shaxda 13aad Odoroska dakhliga Cashuuraha Berriga ee Miisaaniyadda 2022 waa ( 488 Billion SLSH), waxaanu ka badan yahay 15% ku talo galkii sanadkii 2021.marka la eego dhanka Saamiga ay Goob waliba ka tahay Dakhliga guud ee Cashuuraha Berriga, Hargaysa ayaa ah tan ugu badan isla markaana laga filayaa inay soo saarto kala badh in ka badan 68.6% Wadarta Guud ee Dakhliga Cashuuraha Berriga, halka ay ku soo xigto Berbera oo noqonaysa 16.7%, Boorama 4.4% , Burco 4.2% iyo Gabiley 2.3%, Halka wadarta goobaha kale ee Cashuuraha Berrigu noqon doonan 4.6%.

Hadaba akhriste si aad noo fahanto waxa aan doonayaa inaan ku cadeeyo waa maxay cashuuraha barrigu(inland revenue)?

Cashuurtan waxa qaada waaxda cashuuraha bariga ee wasaraada horumarinta maaliyada.

cashuuraha tooska ah(direct taxi) dhamaantood waa cashuuro barri waxa ayna ku waajibta badanka dakhli,hanti ama kharash dalka gudihiisa yaal waana cashuurta uu qofku bixinayo ama qaadayo culayska cashuurta isaga oo aan cid sedexaad iska sii gudbin karin waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa cashuurta dakhliga qofka( personal income tax) cashuurta dakhliga hantida (

(property income taxi) ,cashuuraha wado marista (Road tax) cashuuraha macaashka shirkadaha waawayn(coporate tax)

Hadaba akhriste inaga oo tix raacayna hadalkii wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Dr sacad cali shire ka jeediyay isaga oo ka jawaabaya su,aal umudane golahaasi ah waydiiyay waxa jira

cashuuro barriga ah oo lagu qaado magaalada Berbera, waana sababta ay hargaysa iyo Berbera ay cashuurta barriga ka yihiin 85.3 , waana arin cadaynaysa in cashuurihii badankooda lagu qaado

labada magaalo.Sidoo kale cashuuraha barriga qaybo ka mid ah waxa lagu qaada hargaysa halkii ay ka ahayd in gobol walba cashuurihiisa bariga lagu qaado degaankiisa..

Miisaaniyaddaha Dowladdaha Hoose

__________________________________________.

Sida ku cad miisanayada dalka page-keeda 47aad “Miisaaniyadda dowladdaha hoose ee 2022 waxay dhantahay 528,878,259,786 SLSH, taas oo ka badan Miisaaniyadii sanadkii 2021 (44%). Tani waxay muujinaysaa korodh ku dhow kala badh, taas oo durtaba laga dheehan karo dedaalka

iyo dardarta ay la yimaadeen Golayaashii Degaanka ee dhawaan la doortay. Marka si gaara loo eego Degmooyinka kuwa korodhka badani ka muuqdo ee Degmooyinka Derejada “A”, waxa korodhka ugu badan ka muuqda Degmada Boorama oo Miisaaniyadeedu korodhay 82%, Burco 65% iyo Hargaysa oo korodhay 57%. Marka si guud loo eego korodhka ka muuqda Miisaaniyadaha Dowladdaha hoose, waxaan meesha ka maqnayn lacagaha ay Dowladda Dhexe u

xawisho (transfer) Dowladdaha hoose sida: (kabka Dowladdaha hoose) oo ay si dhamays-tiran ugu gudbiso lacagta loo qabto laga soo bilaabo sanadkii 2021, taasi oo guud ahaan kordhisay Odoraska Dakhligooda”

Halkan hadaynu yar dul istaagno waxa amaan iyo dedaal shaqo ka muuqdaa golayaasha degaanka e magaalooyinka boorama,burco,iyo hargaysa oo korodhkii ugu badnaa sameeyay marka la bar-bar dhigo sanadadii ka horeeyay, waana arin in lagu bogaadiyo mudan.

Dhanka kale waxa aynu ka jawaabi doonaa inaga soo xigananayn qaabka loo qaybiyay

miisaniyada dawlade dhexe e 2022  “isticmaalka misaaniyada ma lagu saleeyay horumar” (development)?

Sida ku cad misaaniyada, kharashka ku baxaya amaanka iyo difaaca iyo sidoo kale maamulka ayaa ah 55.01% waana kala badh wax ka badan miisanayada guud e dalka, dhan kale hadaynu ka eegno caafimaadka , waxbarashada iyo wax-soosarka oo ah tilmaamayasha hourumarineed(development indicators) e dal laga dheehan karo ayaa miisaniyada ka ah 17.33%. Waa arin ina tusaysa in misaaniayada badankeedu ku baxdo wax aan dalka horumar u jiihayn Karin.

Ugu dambayn waxa aan ilaaway oo amaan mudan laba barnaamij oo amaan mudan waa

barnaamika shaqo qaran iyo shaqaalihiii aan joogtada ahayn oo Iyana ku jira miisanaiyada

sanadkan waana arin in yar oo dhiig joojin ah u noqon karta camal la,aanta baahsan e ka taagan dalkeena.

Wabilaahi tawfiiq

W/Q: mukhar ahmed ismaciil (Mukhtar cajab)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com