“Gudboonaantu Way Daalisaa Ruuxi Meel Guran!” Maxamed-Baashe

Inta uu dhab u kala qaybiyey oo xukuumad dhinac ka raran u dhisay ayuu haddana Somaliland mid ah ku dhololayaa!

Hadda waa markuu qolana si toos ah ugu sedburiyey weliba xigto ahaan, qolana si dadban uga fogeeyey awooddii talo-goyneed ee waddanka dhinac kasta.

Meeday midnimada uu ka hadlayaa. Meeday kalsoonidii bulshada dhexdeedu? Meeday kalsoonidii lagu qabi lahaa dawladnimadu?

Ma dadka caqliyadooda ayuu caayayaa? Mise waxa uu dadkiiba ka soo qaaday inta yar ee u badan xigaalka iyo xididnimada ugu xubeeraysa ee xilalka iyo xoolaha u xidhan?

“Heshiiskii uu saxeexay madaxweynihii hore ee isla Kulmiye ahaa ayaa fulintiisa yeelanaya” Prof Cali Khaliif Galaydh inuu maanta Hargeysa kaga dhex calaacalaa saw wax weyn iftiimin mayso? Hadda waa heshiiskii ka dhashay wada hadalladii muhiimka u ahaa Somaliland mid ah ee tacabka badani galay ee maamulka Somaliland iyo Khaatumo.

Cali Khaliif waa uu og yahay oo garanayaa cidda fulinteeda lahayd ama leh, dhabarkaa se loo jeediyey, haddana midnimo bulsheed ayaa uunsiga loo shidayaa!

Kaaf iyo kala dheeri saw na aha?

Waa ka hadal-tiro waxaas oo tororig ahi iyo afka baarkiisa. Hore ayaynu u nidhi ninka in midaysnayd kala qaybiyaa isuma keeni karo in kala duwanayd.

Marka laga yimaaddo ee meel la iska dhigo xanaftii doorashada, Muuse Biixi Cabdi waxa uu qof ahaan ku kala qaybiyey xukuumaddii uu soo dhisay intii awel horeba Somalilandnimada ku wada socotey, intii hore u diiddabaydna maxaa laga fili karaa?

Kab ninka aad ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, saw ma ahayn?

Ninka intii is oggolayd ee gogosha ku wada fadhidey ku kala kiciyey ma ka sugi karnaa in uu in kala duwanayd gogol loo gudboon yahay ku wada fadhiisiyo?

Calaacal timo ka soo baxeen, saw ma aha?

Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma kama taggana khudbaddiisu iyo indhosarcaadin aan nuxur badani ka hoosayn, waayo wixii kaleba waa hal bacaad lagu lisay haddii aanay bulshadu wada lahaansho dawladeed oo ay ku qanacsan tahay inteeda badani aanu jirin oo kii mindida daabkeeda hayeyna qurub qurub u jarjarayo, una kala qaybiyey.

“Gudboonaantu way daalisaa ruuxi meel guran!”

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland