Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka HORSEED Oo Tacsiyadeeyey Geerida Gaashaanle Sare Marxuum Cismaan Axmed Cigaal (QARAASH) Oo Geeriyooday.

INAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka HORSEED Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan (DARAWAL) waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ciidanka Somaliland iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Gaashaanle Sare Marxuum Cismaan Axmed Cigaal (QARAASH) oo xalay geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Sidaa waxa uu ku sheegay Cabdilaahi Darawal qoraal uu ku saxeexan-yahay  oo uu  maanta soo saaray, oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews waxaanu u dhignaa sidan:

“Anigoo ku hadlaya afka Hoggaanka Ururka, ka Guddiga Fulinta, ka Golaha Dhexe iyo guud ahaan ka Urur-weynaha HORSEED, waxaan ka tacsiyadaynayaa shacabka reer Somaliland, bahda Ciidanka Asluubta iyo Waxgaradka, qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gaashaanle Sare Marxuum Cismaan Axmed Cigaal (QARAASH) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay oo taariikhdu tahay 20/05/2022.

Marxuum  Cismaan Qaraash waxa uu ahaa oday beel-daajiye caan ka ahaa geyiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu kaalin weyn ku lahaa halgankii dib-u-xorayntii dalka ee SNM, waxaannu ka soo qaybqaatay dib-u-dhiskii, nabadayntii iyo horumarintii Somaliland, isagoo ka mid ahaa saraakiishi firfircoonaa ee dhisay ciidanka Asluubta Somaliland.

Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin….Aamiin….Aamiin.”