Guddoomiyaha Ururka #SOMA Oo Tacsi U Diraya Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Hooyadii Marxuumad #Faadumo_Cabdi_Sulub Geeriyootay.

Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA) #Mustafe_Janaale waxa uu tacsi u dirayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Hooyadii Marxuumad Faadumo Cabdi Sulub caawa oo ay taariikhdu tahay 28.11.2021 ku geeriyootay dalka Turkiga.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskii, eheladii, qaraabadii ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Faadumo Cabdi Sulub oo goor dhaweyd ku geeriyootay dalka Turkiga.

Si gaar ah waxa aan uga sii tacsiyadeynayaa Ubadkeedii oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay Marxuumaddu hooyadii ahayd.

Marxuumada Waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariisto, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, innagana samir & iimaan ha innaga wada siiyo. Aamiin