Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Dayr Maxamed Cilmi

INAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa waxa uu shacabka ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Marxuum Dayr Maxamed Cilmi oo shalay oo shalay u geeriyooday Burco

Anigoo ku hadlaya afka Hoggaanka xisbiga, ka Guddiga Fulinta, ka Golaha Dhexe iyo guud ahaan ka Xisbiweynaha KULMIYE, waxaan ka tacsiyadaynayaa shacabka reer Somaliland, bahdan dhaqanka iyo odayaasha, qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dayr Maxamed Cilmi oo ku geeriyooday magaalada Burco ee Gobolka Togdheer caawa oo taariikhdu tahay 12/02/2021.

Marxuum Dayr Maxamed Cilmi oo ahaa oday beel-daajiye caan ka ahaa geyiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhulka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxa uu kaalin weyn ku lahaa halgankii dib-u-xorayntii dalka ee SNM, waxaannu ka soo qaybqaatay dib-u-dhiskii, nabadayntii iyo horumarintii Somaliland, isagoo ka mid ahaa odayaashii firfircoonaa ee la jaanqaaday hano-qaadkii nidaamka dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee dalka, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee bulshada waxtar la taaban karo ku lahaa.

Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Allaa  Mahad Leh

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland