Guuli Kuma jirto Dagaal Faalo: Xuseen Cali Nuur

Xuseen Cali Nuur Hayaannews

Dagaalku wuu noocyo badan yahay, dhaqankeena suubanina  wuxuu naga xaaraantinimeeyey  dagaal dhexmara dad walaalo ah oo muslim ah oo nabad ku wada nool iyo in colaad laga dhex alooso.

Dagaal waa fitno, iska hor imaadkii Laascaanood ee shacbigii nabadda ku noolaa barakaciyey, qaar ka mid ahna qaxoonti ka dhigay waxa u sabab ah saddex arrimood.

Kuwaasi oo kala ah ku dhaqan la’aan waxa ay diinteenu inna farayso marka is af garan waa iyo tabasho jirto oo aan lagu dhaqmin. Wadahadal iyo wada tashigii xal lagu gaadhi lahaa oo meesha laga saaray iyo garaadka wax-garasho oo aan sidii toosnayd loo adeegsan.

Sababaha colaad iyo dagaal looga door biday nabaddu waxa ay dhashaan marka laga door bido danaysi, is muujin iyo mabaadii’da dhaqankeena suuban ka soo horjeeda. Sidoo kale, marka loo arko qarannimo, midnimo iyo horumar in aanay dan u ahayn cidda carqaladaha wadda oo waxa ay danaynayeen aanay u suuro gali karin.

Iska hor imaadka hubaysan ee Laascaanood haddii caqli caafimaad qaba, oo aan ujeeddo gaar ah lahayni sabab u noqon wadahadal ayaa xal u noqon kara iska hor imaadkuna wuu soo afjarmi karaa.

Is barbar dhiga dadka reer Laascaanood ee u qaxay Puntland iyo kuwa ku barakacay dalkooda hooyo gudihiisa sida loola dhaqmo, waxa ay muujinayaan in horumarka Laascaanood gaadhay aanay raaligalin gobolka jaarka aan nahay ee Puntland. Kana xun yihiin  nolosha  nabadeed iyo horumar ee ay ku nool yihiin.

Laascaanood dhibaatada ka jirta  iyo iska hor imaadkeedu faa’iido uma leh gobolka Sool, iyo Jamhuuriyadda Somalilandba, waa ayaan-darro iyadoo ay jiraan abaarta dheeraatay, dhibaatada isbeddelka cimilo iyo sicir-barbarka jira in loogu daro  nabadgalyo daro. Waxa caqliga furan waxa ugu filan inta talaabada la qaadayo  in fiiro gaar ah loo yeesho xaaladaha ka jira Soomaaliya 30kii sanno ee hore, sidoo kale Ethiopia dagaalkii dhawaan ka dhacay waxa uu u gaystay dhaqankeeda, dhaqaaleheeda iyo degenaashiyeheeda.

Degenaashaha, iyo xasiloonida waxa la sheegaa inay dunida ku nool yihiin dad u arka inuu cudur ku yahay waxaanay ku dhaqaaqaan sifo kasta oo ay dab u huriyaan maadaama ay ka fog yihiin goobaha uu ka dhacayo.

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland barakac iyo qoxoontinimo hore ayay u soo mareen, maantana  diyaar uma aha in arrintaasi ay dalka ka dhacdo. Way ka xun yihiin waxaanay ku baaqayaan in nabad iyo xabad joojin oo u wada dan ah. Waxaan lee yahay xalka guul noqon karaa waa nabad iyo wada hadal, waana mida kaliya ee if iyo aakhiraba lagu badbaadayo lagun liibaanayo.

Xuseen Cali Nuur Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com