#HA_QUUSAN! W/Q Mustafe Adam

Laga soo bilaabo bishii September 2019 ilaa hadda dalka Australia waxa ku habsatay musiibo DAB, kaas oo galaaftay nus-malyuun xayawaanka duur-joogta, dad badan waa ay ku dhinteen, guryo iyo hantina waa ay ku basbeeleen, sidoo kale, waxa shuf-beelay kaymo iyo dhir ku fadhiyay dhul lagu qiyaasay lix milyan iyo badh hector – hector-ku waxa uu u dhigmaa badka garoon ciyaareed.

Muuqaalada laga baahiyay marka aad aragto waxa aad mooda in aanay nolol dad iyo duunyaba ku soo dhawaan. Laakiin, waxa layaab-noqotay oo baraha bulshada iyo warbaahinta adduunka lagu baahiyay muuqaalo uu goobahaas ka soo qaaday Sawir-qaade Murray Lowe, kaas oo dabo-gal iyo baadhitaan ku waday raadka ay musiibadaasi reebtay.

Muuqaalada adduunka soo jiitay oo muujinayay RAJO nololeed waxa ka mid ah muuqaalkan oo ah geed ama ubax ka dhex-baxay jirridda geed gubtay iyo sidoo kale, geed-gaab ama caws dhulkii uu dabku saameeyay si lama filaan ah uga soo baxay.

Muuqaaladani waxa ay i xasuusiyeen Aayaadka Quraanka kariim ah ee Illaahay (sw) innagu muujinayo awooddiisa, naxariistiisa iyo in aan la quusaan.

Bal u fiirso xikmadda iyo nuxurka ku duugan Aayaadkan iyo sida ay muuqaaladan maragga ugu noqonayaan:

“…….Illaahay waxa uu nolol ka dhex abuuraa shay dhintay, dhulkana waa uu soo nooleeyee kadib dhimashadiisa……….” Ruum

يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّ وَيُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ وَكَذَٰلِكَ تُخۡرَجُونَ

[الروم 19]

“…..ha ka quusanina naxariista illaahay….” Zumar

قُلۡ يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ أَسۡرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ لَا تَقۡنَطُواْ مِن رَّحۡمَةِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

[الزمر 53]

“….Culays kasta ama dhib kasta waxa ka danbeeya fudayd…..”

فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا (5) إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا [الشرح

Haddii aynu si dhab ah u rumayno Aayaadkaas iyo kuwa kale ee Quraanka Illaahay ku sheegay sabab aynu u werwerno ma taal, keliya waa in aynu dadaalnaa.

  1. Qoraalkan waxa aan qoray xilligan oo kale – January 12, 2022.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com