Habka Loo Diyaariyo Khudbada Madaxweyne Ama Murshax Madaxweyne

Waxaa Jira Habab gaar ah oo loo diyaariyo khudbadaha  Madaxweynaha ama musharaxa Madaxweynaha  halkan waxaan idin kula wadaagi doonaa qodobo Muhiim u ah oo wax badan laga korodhsan karo.

FURITAANKA KHUDBADA:

1.Raadi mawduuc xusuus leh. Waa maxay hal shay oo aad rabto in dadku ku xasuustaan hadalkaaga? Tusaale ahaan, “Rajada iyo isbeddelka” waxay ahayd dulucda Madaxweyne Obama, halka “Ka Dhig Maraykanka  mar kale Awood-weyn” uu ahaa Donald Trump.

Mawduucan waa inaad ka dhigtaa mid fudud oo kugu filan oo aad ku muujin karto hal jumlad.

Hubi inaad ku celceliso mawduucaaga dhowr jeer inta aad khudbada jeedinayso, gaar ahaan bilowga, dhexda, iyo dhamaadka.

2 Qor hordhac xooggan. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad Kala  soo dhex baxdo warbixin degdeg ah dhagaystayaasha oo aad soo bandhigto .

3.Waxaad hadalka ku bilaabi kartaa sheeko-sheeko,  ama odhaah xooggan. Ha ka baqin inaad bixiso wax yar oo kaftan ah

4.Markaad dhammayso khudbadda, waxaad odhan kartaa: “Haddii la ii doorto Madaxweynaha Dalka , waxaan diiradda saari doonaa kordhinta Miisaaniyada Dalka,Kordhinta Shaqada, iyo dhimista kharashka Xafiisyada Dawlada .”

  1. U habbee hadalka sida qormo leh bilow, dhexe iyo dhamaadba. Ka bilow inaad dhisto xidhiidhka oo soo bandhig mawduucaaga. Ku dar qoraal kooban oo ku saabsan qodobada muhiimka ah ee aad ka hadli doonto. Marka xigta, samee kiiskaaga adoo qeexaya ballanqaadyadaada, baahida loo qabo, iyo xalkaaga. Ku xidh adigoo ku soo laabanaya bilawga oo xoojinaya dulucdaada.

HORUMARINTA KHUDBADA

ü Haddii aad u baahato, u samee dulmar hadalkaaga, sida aad u samayn lahayd qoraal,Oo Ka dhig seddex  qaybood.

Dhexda hadalkaagu waa inuu noqdaa kan ugu dheer sababtoo ah waa meesha inta badan nuxurka hadalku  yaal.

ü Ha ka daalin bilowga iyo dhammaadka hadalkaaga. In kasta oo ay ka gaaban yihiin, haddana waxay hadalkaaga ka dhigi karaan mid xusuus leh – ama mid la iloobo.

ü U sharax dhibaatada, adoo diirada saaraya laba ilaa seddex Qodob . Si aad u hesho dadka inay iibsadaan Xalkaad hayso, waxaad u baahan tahay inaad ku qanciso in isbeddel loo baahan yahay. Raaci laba ilaa seddex Qodob oo muhiim ah. Ha ku daadin daawadayaasha tafaasiil aad u badan  Waayo  uma ekaan doonaan kuwo la xasuusan karo.

Waxaad ku furi kartaa adigoo odhanaya wax la mid ah: “Waa kuwan seddexda shay ee aan u baahanahay inaan bedelno.”

Gaar ahow. Isticmaal tirokoobyada iyo sheekooyinka aadanaha si aad u muujiso dhibaatada. Si kastaba ha ahaatee, noqo mid hadal kooban. Waxaad doonaysaa inaad diiradda saarto xalka in ka badan dhibaatooyinka.

ü Sharax xalka oo raaci hanaanka ugu  wanaagsan. U fiirso sidii aad xal u heli lahayd intii aad dhibaato ka caban lahayd. (Sawir cad u sawir daawadayaasha sida dalku u eekaan doono marka la fuliyo qorshahaaga).

ü Marka hore Qorshayaashaada sheeg,kadibna qeex baahida,kadibna ku soo celi Qorshayaasha.

ü Khudbadda ku Karri oo ku bislee laba ilaa seddex  arrimood oo muhiim ah oo aad qorshaynayso inaad beddesho. Tibaax waxyaabo gaar u ah xalka aad qeexayso.

Ku balaadhi mid kasta oo ka mid ah ballanqaadyadaada muhiimka ah adiga oo si faahfaahsan u sharaxaya dhibaatada iyo sida aad u qorsheynayso inaad si gaar ah wax uga qabato.

ü Ha ka dhigin dhexda hadalka mid aad u engegan. Si joogto ah u xooji shakhsiyaddaada iyo mawduucaaga inta lagu jiro faahfaahinta Qorshayaashaada.

ü Waxaad doonaysaa in dhagaystayaashaadu ay daneeyaan qodobada aad samaynayso. Soo hel hab aad si toos ah ugu xidhi karto balamahaaga baahiyahooda

W/Q. Cabdi Kariim M.Cadde (Qaamuus)

qaamuuskaqarniga01@gmail.com