Hada Maaha Kaligay, Ee Waa Kuligeen. Qalinkii Nagiib Muuse Ahmed

Hadaad arki waydo, waxa aad haysato oo aad u hamuumto hir ka fog oo aanad hubin, waxa hoos yaal “Waa Hilaac wax I tus”. Waxay dadku intiisa wanaag aiyo wax wada lahaanta ay dhab ka tahay muddo hoos iyo korba uga hadlayeen inaan dalku farro inoogu jirin.

Markaad eegto qulqulka qoomiyada Oromada oo tiro ahaan aad moodo inay inaga bateen oo cid ma hay’adihii ku shaqada lahaa aanay tira koobkooda haynin.

Qoomiyada labaad Suuriyaanka oo laga wada dheregsan yahay sida ay u dhaqmaan, oo aan xad iyo xeer midna lahayn, waxa ta ka daran sida xukuumadda Somaliland waxay ku qanciso muwaadiniintii u dhalatay dalka aanay jirin oo ay dayacday dadkii u sahlay inay madax noqdaan oo aynu ka wada dheregsanay sida ay u maareeyaan noloshooda, oo ay dib u ceshedeen indhihii ay dawlada kaga sugi lahaayeen oo ah tacliinta iyo Caafimaadka iyo daruuriyaadkii ay dawladu dabooli lahayd.

Waxaan maanta Af labadii ku leeyahay kuna tiraabayaa in wararka sheegayaa inay dawlada Mareykanku wadato qorshe ay Somaliland ku keenayaan kumanaan Qaxoonti Afghanistaniyaan ah, markay sidaas tahay ma u eegtahay dalkii Falastiin sidii loogu beeray Yuhuudda oo ay maanta dhagaxa ka tuur-tuuraan dalkii ay lahaayeen dhexdiisa, mise u eeg tahay taynu ka dagaalanay tu ka daran inaynu ku socono oo ah: “Mulki wareejin Asal-maguuraankeeni hore”.

Waxaan aqaana sida wacan ee aynu u maqalno san-qadha soo jiidashada macaan ee Sunuuda (Lacag).Hada maaha kaligay ee waa kuligeen.

Nagiib Muuse Axmed

Mobile: 0634476833

Hargeysa, Somaliland.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com