Haddii iftiin Yari Bidhaamaba Xukuumadda Muuse Ma’Awdaa.?

Waxa soo baxaaya warar sheegaya in xilkii gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex laga qaaday Garsoore Halac Dalmar,kaasi oo maalin aan sidaa u sii fogeyn bilay sharaftii garsoorka muhmalka badani ku jiro ee dalkeena,kadib markii uu wadadeedii mariyay muwaadin inta laga soo xidhay gobolkuu ku noolaa loola soo cararay Hargeysa. 

Haddii ay jirto in xilka looga qaaday kiiskan oo ay u muuqanayso, haddiba xilka laga qaaday waxa ay dhabar jab ku tahay cadaaladii qarankan oo mar kale god madow lagu riday, waxana ay sharaf dhac iyo taariikh xumo ku noqonaysaa gudoomiyaha maxkamada sare walaalkeen Aaden Xaaji Cali io at noloshu inteeda badan u hadhsan tahay, sida garsoore Dalmar. 
Waa xaqiiq in xukuumadda sharcigii ummadda ku tumanaysa uu wakhtigeedii gebagebaba isaga dhaw yahay oo waxa u hadhayba uu saddex sano iyo badh yahay sharci ahaan, lagana yaabee gudoomiye Aadena in inta uu Dalmar ka danbeynayaa ay intaa kaba yar tahay, sidaa daraadeed waxa aan lee yahay haddii dhegta la jaro waxuun baa hadhi doona daloolka. 

Garsoore Halac lagaama dul qaadin waxaan sharaf dhac, aakhiro seeg iyo godob ahayn, waxaase wadadeedii laga duway garsoorkii qarankan iyo cadaaladii ummaddu fileysay oon awalba buurayn. 
Waa xaqiiq in Cabdimaalik la soo dayn doono inta ay doonto ha qaadatee, sidii uu xukunkii horeba uga soo baxay, isagoo laysku sawiraayo oo la gelbinaayo, waxase taariikhdiisu dhibicda madoobi fuuleysaa waa garsooraha dulmi fala een garashadiisa wax ku xukumin. 

Haddii xukuumadda Muuse ay cadaaladii wax wada lahaanshaha hore god ugu riday, xorriyatul qawlkii iyo xuquuqul insaankiina ay meesha ka saartay, haddii doorashooyinkii iyo wada tashigii aynu ku soo caano maalay ay dalowga ka tuurtay maantana ay cadaaladii garsoorka ku dartay, waxa runta biyo kama dhibcaanka uu yahay in cidhib xumo waxaan ahayn aanay ka tegayn taariikhda marka lagu xusana ay noqon doonto mid lagu sheego tii madaluufisay wax alle iyo wixii ay ummaddani ilaashanaysay, kuna faanaysay, balse Garsoore Halac xilka laga qaaday isaga wax yeeli maayo oo nin gudin sitaa xaabo ma waayo.

Mustafe-Shiine