“Haddii Muuse Xisbiyada Furana Ciyaartu Waxay Isku Bedeleysaa 180-degree,Waxa Dhici Karta In Labadan Nin (Cirro Iyo Xirsi) Ee Wax Isku Wareejiyey Ay meeshaba ka baxaan,”Cali Kubad

.Shirweynihii xisbiga Waddani maxuu innoo iftiimiyey.

Qaran kastaa waxuu leeyahay u-jeedoonyin iyo aragtiyo siyaasadeed oo lagu hogaamiyo, oo ay ka danbeeyaan mus danbeedna u yihiin wax garadka dalkaasi (Establishment). Innaga ujeedadeenu malaha waxay ahayd uun Afweyne iska tuura oo aan ujeedo kale ka danbaynin, sidaas darteed waxa soo if baxay afku xooglayaal, koofiyad baclayaal madax dhaqameedyo sheeganaya, tijaar wax uun soo dejisa waxna dhoofisa oo aan cashuurtii xaqa loogu lahaa si buuxda u bixin, wadaado isu ekaysiiyaal ganacsadayaal ah, siyaasiyiin isku sheegyo xaafadahooda uun ku eg, xisbiyo reero ama shakhsiyaad ay ku rabaan inay ku hantiyaan kursiga ugu awooda badan dalka, dimuquraadiyad beelaysan oo la isu faro sheegto, iyo distoor aan lagu dhaqmin oo marba qofka Madaxweynaha ahi uu yahay boqor sharciga ka sareeya.

Dadka Giriigu waxay lee yihiin sheekooyin khuraafaad ah (Mythology) oo markay doonayaan ujeedo ay fikirkooda ku dabakhaan ay adeegsadaan sida ay Soomaaliduba u adeegsato maahmaahyada. Waxa jirta sheeko ah nin (Daedalus) iyo wiilkiisii oo la odhan jirey Ikaras(icarus). Waxay doonayeen inay Gasiirad ay ku xayirnaayeen ka baxsadaan. Odaygu waxuu ahaa farsamo yaqaan oo waxuu sameeyey labo baalal oo u xabag  jidhkooda ku dhejisan ay hayso mid waliba. Odayga (Daedalus) waxuu ku yidhi inankiisii Icarus, markaad duulayso waan ku ogahay inaad kibir badan tahaye ee ha isla weynaanin, oo duulimaad kaagu yaaanu noqon mid hooseeya oo ay biyaha Baddu kaa qooyaan baalasha, duulimaad aad u sareeyana ha samaynin si aanay cadceeda kulaykeedu baalasha kaaga gubin. Icarus ilayn waa nin is huba’e duulimaadkiisii buu samada sare isku shareeray oo waxuu in yar u jirsadey Qoraxdii, dabadeed xabagtii iyo baalashiiba way dhalaaleen, markaas buu badda ku soo dhacay, oo ay halkaas masiibadii ku qarqisay(Tragedy). Nuxurka sheekadu waxa weeye inaan la kibrin oo wax la is macaashiin, dee gabayadeenuna way tilmaameen sidii kii Ismaaciil Mire ee ahaa “Raggow kibirka waa lagu jabaa ee taa hala ogaado”.

Shirweynaha xisbiga Waddani waxa kasoo baxayey waa la sii wada ogaa oo waxay ahayd sir muuqata, oo rag dibeda wax ku soo kala gatay baa riwaayad inoo matalayey. Waxaad maqlaysaa dad odhanaya reer aan afar sanadood xisbi lahayn baa xisbigii lagu wareejiyey, ama hebel isagoo aan kursigii madaxweynahaba gaadhin buu xisbigii wareejiyey, wadhlo. Xisbiyadan aynu isku maaweelinaa waa dusha ka xisbi hoosta ka qabiil, oo xisbinamadii waa taas Qoraxda lagu dhowaadey ee ay xabagtii iyo baalashiiba ay gubteen, reernimadiina waa Baddaas cirka lagaga soo dhacayo ee lagu qaraqmayo. Shirweyne ayuu xisbiga Waddani qabsaday waynuna ku hambalyeynaynaa shirkooda, waxase innoo muuqata kibir iyo isla weyni (hubris) la sii dabaal degayo oo uu nin-na isa sii siiyey kursigii Madaxweynenimada, kii kalena uu xisbiga kale wareegey gudoomiyihii hore, waa labo nin oo wax kala iibsadey. Isku soo wada xooriyoo, rag Qoraxda in yar u jirsadey oo balashii ka gubteen, baddiina ay hoos taalo bay u egyihiin niman kaasi. Tolow yaa hadhow la eersan doonaa.

Ciyaarta siyaasada Somaliland qofka wax ka bedeli kara imminka( game changer) waa Madaxweyne Muuse Biixi waa haddii Ilaahay garansiiyo. Aragtidayda waxaan qabaa inay qolodan Waddani ay ku xisaabtamayaan nacniinka ay dad badani u qabaan Muuse oo ay sidaas ka guuleysan karaan, ilayn waa kuwaas qori isu dhiibkii bilaabay iyagoon la dooranba’e. Muuse Biixi hadduu tartamayo, qori isu dhiibkoodu waa caqli gal iyo khamaar fiican oo siyaasadeed. Haddii uu Muuse korodhsadona kaba sii fiican oo iyadoo Kulmiye la nacay bay doorasho immin kartaa, oo markaas uu Waddani guuleysan karaa. Laakiin haddii uu Moxamed Kaahin yimaado imminka, ciyaartu weji kale ayey yeelan kartaa, haddii uu Muuse xisbiyada furana ciyaartu waxay isu bedeleysaa 180 degree,oo meesha aynu joogney cakiskeeda(Opposite) ayeynu iska arki doonaa, inay saddexda xisbiba ay meesha ka baxaan waa suuragal, in kastoo ay adag tahay in Afrika xisbiga talada haysta laga guuleysto ilayn dhaqaalihii iyo awoodihii xukuumadeed bay adeegsanayaane. Waxa kale oo dhici karta inay labadan nin ee wax isku wareejiyey ay meeshaba ka baxaan, oo sidoo kale Muusena sidaas ku waayo Kulmiye wax kastoo uu isticmaalo, waayo dhalinyaradu siday wax uga falceliyaan iyo Qaderkii Eebaba way jiraan. Rag iyo Xisbi is mahadoyey oo sii dabaal degaya uun baa shirkaas lagu timaami karaa, laakiin haddii hadhow ( if and when) lagaba badiyo, tolow yaa ugu dhaaran doona inay mar labaad dhaceen ilayn waa kooxdii ciyaareysey 2017-kii, haddii aynu si kale u dhignona waa Kulmiyihii lagaga soo adkaaday Xisbiga Kulmiye ee islahaa Bagwaankii weynaa ee Siilaanyo xukuumadiisii rida oo Waddani isku bahaysta, iyo Kulmiyihii Askarta ku hadhay, oo ay labada dhinacba qabyaaldiina usii dheertahay . Islaantii waxay tidhi “ Idiin kala garan maynee guuleysta”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com