Hal-abuurka Waxbarashada Maxaabiista JSl

==========================={======={

Horraantii 2017 ayey ahayd markii danneeyayaasha Xabsiyada oo  Wasaaradda Caddaaladda JSL hormood u tahay wehelinayaana Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta, iyo Ciidanka Asluubta ay bilaabeen hal-abuurka diyaarinta siyaasadda Waxbarashada Maxaabiista Ku jirta Xabsiyadda si loo fuliyo Dastuurka JSL, qodobkiisa 27 (8aad) iyo Xeerka Xabsiyadda (Xeer LR. 65/2014) oo waajibinaaya in xabsigu aanu ahayn goob ciqaabeed, balse uu yahay xarun edbin, dhaqan-celineed iyo waxbariseed si muwaadiniinta sharciga khilaafta dib-u-bulshayn loogu sameeyo oo iyagoo xirfad iyo dhaqan-celin la gu qalabeeyey bulshadooda dib ugu noqdaan si ay qaranka iyo dadka ba horumarintooda qayn uga noqdaan.

Waxa barbar socday barnaaminjyo farsamada gacanta ah oo hay’adaha UNODC iyo ICRC qayb Ka wadeen Xabsiyadda qaar sida Hargeysa iyo Mandheera. Sidoo kale Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxa ay fududaysay in maxaabiistu si toos ah ula socdaan tafsiirka Quraanka Kariimka ee Masaajidada laga mariyo, iyagoo si toos ah ula socon jiray. Waxa kale oo jiray macallimiin Wasaaradda Caddaaladdu gunaysay oo culuumta diiniga Maxaabiista Xabsiyada Ku baraayey oo Ciidanka Asluubta si hagar la’aan ah ula shaqaynaayeen.

Waxa hawlqabadyadaas sababeen oo maxsuul u noqdeen in maxaabiis ka badan 100 tira ba laba jeer xaflad qallin-jebineed loogu qabto Xabsiga Hargeysa.

Barnaaminka Wasaaradda Caddaaladdu maalgeliso ee Jaamacadda Beder International University (BIU) fulinayday waxa maxsuulkiisu noqday 132 maxbuus Ku dhammaysteen waxbarashada Kala duwan sida Waxbarashada aasaasiga (akhriska iyo qoraalka luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga, Xisaabta), dibloomooyin heer jaamacadeed ah oo shareecada, waxbarashada iyo luuqada Carabiga iyo farsamada gacanta (laydhka iyo biyo gelinta.

Waa markii u horraysay ee waxbarasho heer jaamacadeed ah, wali ba shahaadada labaad (Post-graduate degree) ay qataan maxaabiis Xabsiga Ku jira. Farxad waxa sii ah in qaar Ka mid ah oo xukunkooda dhammaystay ay shaqo Ku heleen, halka maxaabiista qaarna fursad u heleen in ay farsamada gacanta iyo waxbarasho heerka Jaamacadda dhammaystaan.

Barnaamijkan ma uu dhammaan oo xabsiyo kale oo dalka ah waa lagu fidiyey, halka Jaamacadda Beder ballanqqaday in ardayda dhammaystay barnaamijkan ay waxbarasho Sare oo bilaasha ugu deeqayso.

Waxbarashada waxa barbar socda maktabado (library) laga hirgelinaayo Xabsiyada si akhriska iyo qorista loo kobciyo iyo wali ba in ubadkeena dugsiyadda yar yar ee sharciga khilaafa loo ogolaado in ay waxbarashadooda sii wataan oo xataa imtixaannada kala qaybgalaan ardayda dhigood ah aan xidhnayn. Waxa amaan mudan Ciidanka Asluubta oo mar wal ba Ku dedaala in ardayda dugsiyadda Sare iyo fasaaladda 8aad imtixaannada shahaadiga galaan.

Sidoo kale waxa Wasaaradda Caddaaladda iyo danneeyayaasha Caafimaadka Xabsiyada sida Wasaaradda Caafimaadka, Ciidanka Asluubta, hay’addo caalami ah ay soo wadeen 2016 bilawgiidii sidii loo dejin lahaa siyaasad caafimaad iyo barnaaminjyo caafimaad oo Xabsiyada u gaar ah.

Maxaabiistu waa bulsho nugul ah oo dawlad iyo shiciba waajib Ka saaran yahay daryeelkooda si aynu u helno bulsho Ka fayo-qabta dambiyada, hoosna aynu u dhigno Amma yarayno dambiyada Amma in dib loo gala ba (Recidivism).

Ibraahim Khadar

#Hayaannews