Hogaaminta Cabdiraxmaan cirro ee debeda u soo baxday cala-cal laguma qarin karro (WQ: Abokor Maxamuud)

Doorasho wanaagsan nabdoon xasilan , quruxded iyo adkaan Mucaaradka waxa soo baxay dhacdooyinka la falgala kuwaas oo ay ugu weyn yihiin isbahaysiga Xisbigayada Mucaaradka iyo waxay ku heshiiyeen hirgelintood.

Haddabba taasi waxay keentay in Gudoomiye Xisbiga Wadani Md Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilahi ay debeda u soo Hogaamintiisi marka ay noqoto xalinta wax kasto la soo gudboonaad ka go,aan gaadhida iyo hirgelinta heshiis uu cid uun dhexe mara iyo ka dhabeyntooda . Waxaa markhaati ka noqonaya qodobadda iyagga ah halka uu iska taagay Cabdikarim Axmed Mooge iyo Suldaan himiladood ay u la yimaadeen labbadoodaba uun ka aqbalay balse soo bixi taankood dooda iyo hadalka galay. #Hayaannews

Sidda kale waxa iyaddunna debeda u soo baxaday Hogaaminta Md Muuse Bixi Cabdi marka ay noqoto go,aan qaadashada abuurida jawi-xasiloon , xalinta iyo isku keenidda dhinacyo arin isku haya . Iyadunna waxa sii xoogeysatay oday-tinimadii Faysal Cali Waraabe iyo marka xaal hore lihi yimaado inuu isbedelka dhacay waxa uu yahay inuu la jaan-qaado marka uu gar-waaqsado inay meel kale ka degtay oo oodaheed iyo xaskeed leh taas oo soo bandhigi karta hogaanka uu yahay.

Si kastaba ahaate Gd: Cabdiraxmaan waa uu dhex fadhiisatay dhinac xalinta iyo go,aan qaadashada hogaamiye looga baahn yahay ama waajib ku ah marka xaalado go,aano hore wax lagga bedelayo iyo marka kuwa kale u baahan la jaan-qaadkoodu la kowsado. Waxay si cad u tilammayaan dhacdooyinka isku dhafani kaalinta hogaaninmo Gd: Cabdiraxaman Mohamed Cabdilahi taas oo caqabad weyn ku noqon karta kaaalinta Madaxweynimo ee u hore u sigay mar kale u diyaar yahay.

Bulshadda JSL waa mid toos u akhiriyeysa ,naqdinaysa ku go,aan qaadanaysa hogaamiyaha ay dooran yaan hogaaminta uu soo badhigo mid kooban iyo mid balaadhanba . Maanta bushadeenu JSL ma ah tii hadalka iyo tilmaanta humaag ah lagu hagi-jiraya balse waa mid ku hagaagaysa hogaaminta ay arkyaan wax qabadkeed iyo go,aan qaashadeed xaladaha ku yimi xal u helideed iyo ka soo dhalalkooda sidda ugu haboon . Si kasta ha noqotee Gd: Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilahi hogaamintiisu debeda u soo booday , cala-calna laguma qarin-karro . Waxa aan hadal ku dhaafaya Ninkii doonaya inuu cala-cal ku qariyo ,ku qari ha lagu arkee!

abokor_14@live.co.uk

Abokor Mohamud

Qorra-madax-banan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com