Hoobaanta Fardawsa iyo Siddiiq Burmad: Maanso Baroordiiq U Ah Nimcogabaydo IHUN.

Waa Kuma Abwaan Siddiiq Maxamed Burmad ?

Maansadan waxa tiriyay Siddiiq Maxamed Burmad oo ku dhashay magaalada Hargeysa sannadku markuu ahaa 1983kii. Magaca hooyadii waa Hodan Maxamed Dhoobaale. Waxbarashadiisa dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba waxa uu ku qaatay isla magaalada Hargeysa.

Markii u horraysay ee uu dareemo inuu tix samayn karo waxa uu ahaa fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe. Siddiiq Burmad waxa uu afar goor ka qayb galay tartan suugaaneedyo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana u suurta gashay inuu afartaas tartan suugaaneedba ku soo baxo. Mar waxa uu ku guulaystay kaalinta koowaad, marna kaalinta labaad, laba goorna kaalinta saddexaad. Hal-abuurkiisa maanso iyo heesihiisa oo in badan caan ah waxa ku luuqeeya fannaaniinta Xiddigaha Geeska.

Abwaan Siddiiq waa suxufi shan iyo toban sanno ka shaqaynayay Raadyowga Hargeysa. Wuxuu noqday macallin saxaafadeed oo ka hawlgala haayad ka shaqaysa arrimaha warbaahinta oo ka oo jeedda waddanka Holan lana yidhaahdo Free Press Unlimited. Waxaanu halkaas ku tababari jiray warfidiyeenno ka soo kala jeeda Somaliland, Soomaaliya iyo Kiiniya. Eegga waa weriyaha laanta afka Soomaaliga ee BBCda wararka uga tebiya Somaliland.

Tixdan waxa uu gabayaagu ugu baroor-diiqay Marxuumad Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo). Kaalinteedii bulsho, teedii suugaaneed iyo doorkeedii dadnimo ayuu ku xusayaa.

Waxa uu yidhi:

Wedkii helay hebelladii

Horee taariikhda galay

Haldoor laga wada nixiyo

Wedkii hoygooda dhigay

Intaas oo wada halyay

Miyuu hal-abuuraddii

Caawana hoygeeda dhigay?

Huqbaan ruux baajinayn

Heddiisu dhammaatayoo

Hortaaba Nimcoy la qaad

Hurriyo Abababa la-waa

Dhammaan hoosbay jiraan!

Adigu hoyatee Nimcoy

Su’aalaa kaa hadhee

Halkaagii yaa kefayn?

Hawshaadii yaa debbari?

Bulshada yaa hiil noqon?

Haweenkii yaa meteli?

Tumaa hadimada ka jiri?

Barbaartii yaa horkici

Halbeeg tolowyay ka dhigan

La hiigsado yaa u noqon?

Hawraartiyo maansadii

Hanuunka xambaarsanayd

Dadkaagii yaa ku hagi?

Hagaaggii yaa na fari?

Hiddaha yaa tolow na bari?

Adduunyada hawlyaraan

Hubaal kagamaad tegine

Dalkana weli maad hagrane

Awood kalamaad hadhine

Horaad u shaqaysatee

Idanka Alle waad hirqani

Haraha jannaddee macaan

Albaabbada Haawiyaad

Hareer mari waanad heli

Hoobaanta Fardowsa oo

Hadimo kaa dheer Nimcoy

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com