Iqiimee Aan Ku Qiimeeye Waa Aan Isaqoonsan…!

Qabiil layskuma quudhsadee waa laysku haybiyaa… Ninbaa laandheere sheegta, ninna awood ayoo sheegtaa, Intaba waxaa ka sareeya nin caqligiisa iyo garaadkiisa tuujiya kuna xoog maala si u oga dhexmooqdu dhigiisa….! Aan yara qayaxee u jeedkaygu waa meel fog nina loo sheegi karin laakin lagu tusaalo qadan karo.

Hashii Maandeeq aan lahayen way irmaantahu caanihi bay qubaysaa, weel daloolana way ku dhacayaan ee yaa u maciina haatana u dabiib ah….! Markii aan damcay inaan dabiibki noqdo ayaan isxilqaamay, kolkaasay igu dhaga adkaatay, kolkaasay iga dul talaabsatay…..!

Waxaan ahay dhashii awliyada waxaano maqaamku yahay awrbarkhadle, markaan safarka galayo layma tirsadu, markaan halganka galayana suldaarada igu badan, meeshay dhaxantu iga xigtana maba jiheen garo…!

Dawaaf nin yaqaana baan dhadhiisi ahay, Mekka iyo Madiinana magaciisu yaal, Nabad doon buu guyaal badan ahaan jiray, martiduu suuryada ku deeqi jiray, albaabkiisu qaaradaha aduunka ayoo u furnaan jiray… Halgan dheer iyo tacab badana maandeeq ayoo ku maali jiray, Hargeisa ilaa abdaal geelisu daaqi jiray, Aduunku waa ayaame mawtikii markuu oofsaday ayaan naftaydu garwaaqsatay inoo asal dhalad ahaa maanta dhaxal reebkiisu o midha dhalay.

Samia Muse

Hayaannews, Office