Isla-shawr (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Iska lugee maanta waa todobaad-dhammaad oo gaadiid socon maayee. Magaaladuba sidan bay ku wacnayd ma is tidhi. Haa waxa intaas sii dheer, qorax ku gubaysaa ma jirto. Waa diirimaad jidhku u baahan yahay, balse aan ku dhibayn.

Haddii aad maalin walba saacad-socodkaas joogtayso wacnaan lahaydaa. Sow ma ogid, jimicsi-jidheedka hadda ugu wax-ku-oolsan ee la isku raacsan yahay inuu socodka yahay. Haa laakiin sowniga inta badan ku dadaala. Waar saaxiib waan is ognahaye, nala saayir. Ma inaad niyada ka jeceshahay, mise inaad kaga dhabayso. Ta hore way jirtaa, ta danbase, mooyi.

Oo heedhe maanta socodka maxaa wehel kuu ah? Waan ogahay inaad jimicsiga kolay faraqabsi kale dhex wadee.

Waa sidaa, marba waxbaan ku ladhaa. Maanta laba barnaamij oo min 30 daqiiqo ah ayaa daawaha ii saaran. Waa Podcast-yo dhegaysi ah. Midi waa Mufti Menk oo ka hadlaya sida ay lamahuraan u tahay inaad dhaxal togan ka tagtaa. Wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa in aqoon dadka anfacda oo qarniyaal waarta laga tago. In qofku isku dayo inuu ifka kaga tago dhaqan fiican oo lagaga daydo, xitaa marka uu dunida ka huleelo. In sadaqad kuu socota la maalgashado oo dhaxal ahaan looga tago. Dugsi, ceel iyo goobo caafimaad haddii aad itaal u waydo, geed la hadhsado ama miro laga gurto, miyaad tamar u wayday, ayuu dhegaystaha ku tirtiirsanayaa.

Isaga oo Sheekhu malaha dadkan danbe si gaar ah ula hadlaya, wuxuu leeyahay:

“Ogaada Tiktok oo kaliya, hadba sida aad u adeegsato ayaa liibaan iyo guuldaro, labaduba waara kuu horseedi kara”

Adeegsiga warbaahinta bulshada in xilkasnimo lagu ladho ayuu carrabka ku adkaynayaa.

Midka labaadna, waa barnaamij hore uga baxay idaacadda BBC laanteeda Ingiriisiga. Waa barnaamij ku dhex geynaya xaafadda Darayya oo 8 km kaga beegan Koonfur-Galbeed caasimadda Dimishiq ee dalkaasi Suuriya. Maalmihii dagaalkii sokeeye ee dalkaasi uu figta sare marayey, iyada oo ruux walbaa naflacaari ku jiro, magaaladuna go’doonsan tahay ayay dad ku fikireen inay sameeyaan maktabad qarsoodi ah. Hadda nafta meel loola cararo iyo wax lagu noolaado ayaan la hubin, markaasay dad carinta caqliga ka hormariya quudinta jidhku abaabulayaan maktabad qarsoodi ah. Waxay ku taal meel sagxad hoose ah oo daara dumay hoostood ku taal. Qarsoodi baa lagu soo galaa, laga gana baxaa, si aanay xabbadda dhacaysaa kuula tagin, ama ragga dhoogta ku talaxtagay ee daaraha dhaadheer saarani, xabbad kuula eegan. Wixii ay buug heli karayeen ayay si qarsoodi ah meesha u keeneen. Dad badan bay maktabadan qarsoodiga ahi gabbaad iyo goob wax akhris oo isku jira u wada noqotay. Goob bay noqotay, rajo abuurta, xili rajo xumo baahsani jirtay oo yididiilo beerta.

Dadka iyaga oo waayahaas ku jira dadaalayey ee aan isdhiibin uun baan agdhigay dadka iyaga oo caafimaadqaba, saacaddo aad u badan, qayil, sheeko ama internet wakhtilumis ah ku qaata. Waxbarasho ha sheegin, waxsoosaar iska ilow, waxqabsasho hadalkeedba daa. Allow aanaan dunida dulsaar ku noqon.

Isku soo duuboo, intan aad isha marisay, waa shawr iyo naf isla faqaysa. Waa isla sheekaysi nafeed oo haasaawaha maskaxeed ee ka dhex socda ina dhex qotominaysa.

 

Maanta halkaa ha inoo joogto.

Nooli kulante.

Halkan kala xidhiidh Cabdiraxmaan E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com