Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Kulankeenu kedis buu ahaa. Markii ugu horraysay ee aan ku arkay, Isguulka in aad ku cusbayd baan u qaatay waayo hore kuuguma arag, balse saaxiibadday ayaa ii sheegtay in aad dhawr biloodba dhiganaysay. Dugsigga beddel baad ku timid. Isguul Boorama ku yaalla ayaa lagaa soo wareejiyay. Ma garanayn sababta keentay in laguu soo beddelo isguulkan. Ma xaafaddiina ayaa Hargaysa u soo guurtay? Ma adiga ayaa xaafad kale oo Hargaysa ku taalla yimid? Mooyi.

Cid badan kamaad garanayn dugsiga oo badanka keligaa baad ahayd. Kaligaa baa baska raaci jiray, kaligaa baa nususaacayn jiray, kaligaa baana meelahaa marmari jiray. Kelinimadaasi malaha waaba waxa isoo jiitay ee ishaydu kuu qabatay markiiba. Inkasta oo aan kelinimada jeclaa haddana waan asxaab badnaa berigaas. Inkasta oo aan jeclaa in aan mar uun helo jaanis aan kugula hadlo haddana iimay suurto gelin.

Da’ ahaan aad baad iiga waynayd. Fasal ahaanna waad iga sarraysay, haddana ma garanayo sababta aan aad kuugu xiisaynayay, keliya waxa aan hubaa in aan jeclaa araggaaga. Aad baan kaaga yaraa, manaan lahayn qurux iga dhex soocaysay qayrkay sidaas darteed werwerka ugu badan taas ayaa igu haysay. In aad iba arki waydo!  Da’dayda ka sokow waan gaabnaa, isku cufnaa oo qayirnaa. In kasta oo aan midab ahaan maariin u dhashay haddana baylah dhallaanimo, cadceed iyo qayirnaan baa dushayda ka muuqatay. Lebbis ahaan waan jeclaa in aan lebisto balse balcadda isguulka ayaan ii saamixi jirin in aan is qurxiyo.

Adiguse waad iga duwanayd. Waa aad dheerayd. Midabkaagu maarriin casaan xiga ayuu ahaa. Wejigaaga qofka arka kama xiiso dhicin jirin. Waxa aad lahayd ilko isku siman oo marka aad dhoollacaddayso aan laga jeedsan karin. Adiga oo balcadda dugsiga xidhan baad haddana xarragoon jirtay. Timo jileec xiga oo aad lahayd baad subax kasta si fiican u soo feedhi jirtay. Ma garanayo in indhahayga tahay iyo in kale ee iyada oo ardayda kale ee dugsigu iska boodh iyo habaas wayn yihiin baad adigu sidii oo aad subag ku soo dhaashatay ka dhex dhalaali jirtay.

Ma hubo waxa maskaxdaada ku soo dhici jiray marka aad aragto inantan yar ee isha kula raacda marka ay meel kaaga soo hor baxdaba balse waxa aan maskaxdayda u sheegay in aanad iba arki jirin. Waxa aan isku qanciyay in haddiiba cid aad jaleecayso ay noqonayso hablaha kula fasalka ah ee da’ahaan kuu dhaw isla markaana il qabatinka leh. Ma garanayo in nasiibku isku keen waday e waynagii maalin baska soo wada raacnay. Waxa ay ahayd duhur. Naxdin iyo farxad isku jirta ayaa jidhkayga oo dhan saaqay illaa bartii aan kaga dagayay soo gaadhayay. Markii aan baska ka soo degay waadigii adna ka soo degay, balse kala laba jiho ayaynu qaadnay.

Maalintii xigtay markii laga soo dareeray isguulka, sidii qof wax ka lumeen waanigii ku soo raadiyay. Fasalada naga sarreeya oo dhinaca kore naga xigay meel ku beegan waanigii soo istaagay si aan u arko bidhaantaada. Woxoogay markii aan taagnaa ee ardaydii fasalku soo wada baxeen waanigii iska dhaqaaqay. Maalintaas iyo maalmihii xigay oo dhan waan ku raadiyay balse dib nasiibku igumuu simin araggaaga. Ma garanayo meel aad ka dhacday balse sidaas ayaad kaga baxday isguulka. Maalintii aynu baska raacnay baa iigu danbaysay araggaaga. Sidaas ayaanad ku macasalaamaysay kalgacal carruureedkii curdinka ahaa isla markaana dhalanteedka ahaa!

Muna Axmed Cumar (Mullaaxo)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com