Jimicsi Ha Samayn Marka Aad Xaaladahan Ku jirrto

Cidi iskuma khilaafsana muhiimadda weyn ee ay jimicsiga iyo xarakaadka jidhku u leeyihiin caafimadda, laakiin dhakhaatiirta ku xeeldheer caafimaadka guud waxa ay dhowaan xaqiijiyeen khatarta ay leedahay in qofku uu jimicsi sameeyo marka ay xummadi hayso.

Iskaashatada dhakhaatiirta Wadnaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in xumaddu ay tahay calaamad muujinaysa in jidhku uu dagaal kula jiro Fayras ama bakteeriya, in jimicsi loo diraana ay sii badinayso culayska saaran habdhisyada neefsiga iyo difaaca ee qofka, isla markaana uu yaraynayo awooddii uu jidhku iskaga caabbin lahaa xanuunkaas. Sida oo kalana uu khatar u yahay in caabuq iyo boog uu ku keeno muruqa Wadnaha. Kaas oo ka mid ah shanta xaaladood ee inta badan keena in wadnuhu shaqadiisa ka gaabiyo, marar badanna ay xaaladdu gaadho dhimasho.

Dr. Bernd Wolfert oo ka tirsan qaybta caafimaadka Isboortiga ee cisbitaalka jaamacadda Charita oo ku yaalla Berlin, ayaa sheegay haddii qofku isaga oo xanunsanaya uu jimicsi sameeyo in uu khatar u yahay in caabuq gaadho habdhiska neefsiga. Muruqyada oo qofka xanuuna ama uu mararka qaarkood dillaac ku yimaaddo muruqyada.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qofka jimicsi in uu sameeyo doonaya ama sameeyaaba uu si gaar ah ugu feejignaado xaaladdiisa caafimaad, gaar ahaan xilliga qaboobaha ee jiilaalka oo ay fayrasyadu aad u faafaan, qofkana marar badan ku keenaan xanuunno aanu mararka qaarkood hore u dareemin. Sidaas awgeed waxaa muhiim ah in uu feejignaado haddii uu isku arko xaalad neefsiga la xidhiidha, cabudhka sanka ama duuf badan, raqabadda oo xanuunta iyo qanjaha oo barara.

Kamaal Marjaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com