Khatarta iyo Faa’iidada Caafimaad Ee MILIXDA.

Milixdu muddo dheer waxa ay ku tirsanayd curiyeyaasha khatarta ku ah caafimaadka qofka, waxa aana si joogta ah looga digaa isticmaalkeeda, laakiin cilmibaadhisaha cusub ee muddooyinkan dambe la samaynayaa waxa ay muujinayaan natiijo taas ka duwan. Waxaa ka mid ah in milixdu ay lagama maarmaan u tahay qaybo badan oo ka mid ah shaqooyinka xubnaha jidhka.

Xaddiga milixda uu qofku u baahanyahayna waxa ay ku xidhantahay hadba inta uu miisaankiisu yahay. Tusaale ahaan qofka miisaankiisu yahay 70 kg, waxa uu jidhkoosi u u baahan yahay milix lagu qiyaasayo 62 malqacadood oo yaryar.

In kasta oo dadka dhiigkarka qaba muddo dheer looga digayey milixda, haddana daraasadaha cusubi waxa ay tilmaamayaan in isticmaalka milixdu aanu ahayn sababta dhiigga kicisa, balse ay tahay jidhka qofku sida uu u shaqaynayo, haddii qofka jidhkiisu uu u shaqaynayo qaab uu awood u leeyahay in uu milixda iska saaro, wax khatar ah kuma keenayso milixda uu isticmaalaa, laakiin haddii aanu taas jidhku awoodin waxa ay kicisaa dhiigga.

FAA’IIDOOYINKA MILIXDA

– Milixdu waxa ay caawisaa ilaalinta isu dheellitirnaanta dareeraha jidhka, iyo in jidhku uu qoyanaado. Haddii milixdu ku yaraato jidhkana waxa ay keentaa khataro nololeed, waxa aana xaaladdan lagu tilmaamaa “Sumowga biyaha”

– Jidhka bani’aadamku waxa uu u baahanyahay ‘Gudbiye milme’ (Electrolyte) oo tamarta gaadhsiiyaa maskaxda, Wadnaha iyo neerfaha. Jidhka bani aadamku waa sida in ay ku rakibanyihiin malaayiin bayteri yaryar ah oo ilaalinaya garaaca Wadnaha, isla markaana tamarta gaadhsiinaya maskaxda iyo habdhiska neerfaha. Haddii aanay baytaryadaasi jiri lahayna uu jidhku shaqada oo dhan joojinayo.

Haddaba milixdu waxa ay ka mid tahay ‘Gudbiye-milmayaasha’ aynu soo sheegaynay. Waa macdan marka ay dareeraha kale ee jidhka ku milanto awood u yeelata in ay xambaarto sal-danabka (Electric charge), marka ay dhiigga ku milantanna waxaa ka dhasha qulqul danab oo si habsami ah u gaadha dhammaan unugyada jidhka.

Cilmibaadhisaha cusubi waxa ay xaqiijinayaan in milixda (Chloride Sodium) ay muhiim u tahay in badan oo ka mid ah shaqooyinka ay xubnaha jidhku qabtaan, waxaa ka mid ah in ay jidhka u ilaaliso biyaha uu u baahanyahay, iyo wanaajinta shaqooyinka Wadnaha, muruqyada iyo neerfaha.

FG:

Hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay ku talisay in qofku uu Maalintii isticmaalo milix xaddigeedu ka yar yahay 5 giraam.

الجزيرة الوثائقية

Kamaal Marjaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com