KHILAAFKA XUKUUMADDA IYO XISBIYADA

Muddadii ay Somaliland wadday hannaanka xisbiyada badan, marar badan ayay dhaceen muranno iyo khilaafyo siyaasadeed oo xaalku qir iyo qir gaadhay. Murannadaas waxa mar kasta xuddun u ahaa doodda xisbiyada ee qabashada doorashada xilligii loo asteeyay iyo damaca korodhsiga muddada xilka ee kolba xukuumadda talada haysa. Xalay ayay mar kale natiijo la’aan ku soo dhammaadeen wadahadalladii doorashada ee u dhexeeyay xisbiyada iyo madaxweynaha JSL.
Madaxweyne Biixi waxa uu toddobaadkii hore labada gole ka hor sheegay in ay ka go’an tahay qabashada doorashada ururrada iyo ta madaxweynahaba, haddii ay culaysyo ka tan weyni yimaaddaanna laga wada tashan doono. Hadalkaas Madaxweynuhu uma uu cuntamin xisbiyada mucaaradka ah, sababahan awgood:
1. Xukuumaddu waxa ay ka biyadiidday doorashada ay xubnaha Komishanka Doorashooyinku ku cugteen guddoomiyaha cusub, marwo Kaltuun. Taas beddalkeeda, mucaaradku waa ay soo dhoweeyeen hoggaanka cusub ee Komishanku doortay.
2. Waxa is casilay tiraba saddex xubnood oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka. Waxa loo badinayaa in is casilaadda xubnahan ay Xukuumaddu lug ku leedahay.
3. Madaxweynuhu waxa uu guddi baadhiseed u magacaabay Komishanka Doorashooyinka. Mucaaradku guddidaas waa ay ka soo hor jeesteen, wax aanay ku eedeeyeen in ay Kulmiyeysan yihiin.
Saddexdaas qodob oo la isku geeyay ama la kala qaaday waxa ay xisbiyada u muujisay in aanu madaxweynuhu doorasho diyaar u ahayn, isla markaasna uu abuurayo khilaafka Komishanka si uu muddo korodhsi ugu helo.
Wixii intaas ka danbeeyay, mucaaradku waxa ay xaalka gaadhsiiyeen in ay muddo kordhinta xukuumadda dhimasho ka xigaan, iyaga oo soo tubay dhallinyaro ballanqaaday in ay nafahooda hurayaan.
Marka la soo ururiyo, waxa la isku hayaa waa: doorashadu waqtigeedii (13ka Noofambar) ha ku qabsoonto oo yaanay maalin qudha dib uga dhicin iyo doorashadu ama waqtigeedii ayay ku dhacaysaa ama kuma dhacayso (hubanti la’aan).
Qabsoomidda doorashadu waa heshiis bulsho iyo fulinta qodob distoori ah. Sidaas darteed, in ay doorashadu waqtigeeda ku qabsoontaa ma aha guuldarro iyo doqonniimo, bal se waa xilgudasho iyo xilkasnimo.
25.05.2022
Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.
#Hayaannews, Office
Hargeisa, Somaliland
EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com